Xaaska Trump oo lagu dhaliilay jaakad ay xiratay

Melania Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Melania Trump oo jaakad qabta diyaaradna u sii raacaysa Texas

Marwada koobaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa lagu dhaliilay jaakad ay u xiratay safar ay ku tagtay meel carruurta muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla Texas.

Melania ayaa la arkay iyadoo xiran jaakad ay ku qoran tahay "dan iyo muraad kama lihi ee adiguna"?, iyada oo markaas sii fuulaysa diyaarad.

Afhayeen u hadashay ayaa sheegtay in aysan "duur xul ahayn" dookha jaakadda ay dooratay Melania.

Jaakadda Zara oo 39 doolar la siiyo ayaa caro ka dhaliyay baraha ay bulshadu ku xiriiraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii dambe Twitter-ka soo dhigay in jaakadda xaaskiisa "loola jeedo warbaahinta beenta ah".

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa isla markiiba dhaliilay fariinta aan qarsoonayn ee xaaska madaxweynaha.

Qofkan ayaana Twitterka ku soo qoray in marwadu ay ula kac u soo xiratay iyadoo heli kartay in ay xirato jaakado ka qaalisan.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Melania Trump ma aysan qabin jaakaddaas marka ay diyaaradda ka dagaysay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Melania Trump ma aysan qabin jaakaddaas marka ay diyaaradda ka dagaysay