Shirkad sheegtay in ay soo saarayso qalab hawada looga saaro maadada Kaarboonka

Warshadan oo tijaabo ku jirta ayaa la dhisay

Xigashada Sawirka, Carbon Engineering

Qoraalka sawirka, Warshadan oo tijaabo ku jirta ayaa la dhisay

Shirkad fadhigeedu yahay Canada oo taageero ka haysataya ninka taajirka ah Bill Gates ayaa sheegtay in ay wax gaarsiiyeen heer wanaagsan qorshe lagu soo saarayo maadadama CO2, taas oo halis ku ah caafimaadka.

Qorshaha ayaa waxa uu yahay in sidoo kale lasoo saaro tamar laga dhaliyo maadadan oo raqiis ah.

Balse seeynisyahanada ayaa shaki ka qaba qorshahan, waxayna sheegayaan in arrintan ay tahay mid lagu marin habaabinayo tallaabadii laga rabay shirkadaha iyo dowladahaba in ay ku dhimmaan qaaxa ay hawada kusii daynayaan.

Qalabkan ayaa sida geedaha oo kale hawada uga nuugaya maadadan Kaarboonka, waxaana fikradan markii koowaad soo hindisay 1990kii seeynisyahanka lagu magacaabo Klaus Lackner, wixii markaas ka dambeeyay shirkado koox ah ayaa isku dayay in ay soo saaraan qalab kala duwan oo maadada kaarboonka looga saaro hawada. Balse qalabkaas waxa uu ahaa mid qaali ah.

Hadda shirkadda lagu magacaabo Carbon Engineering ayaa sheegtay in ay qaadday talaabo weyn oo ay ku dhimayso qarashka ku bixi jiray hawshan.

Qalabka

Xigashada Sawirka, Carbon Engineering

Qoraalka sawirka, Qalabka

Qalabka ayaa marka uu soo noogo kaarboonka waxa ay ku kaydinayaa meel qaboojiye weyn ah, kadibna waxa uu ku darayaa walxo hoor ah, kuwaas oo la fal galaya Kaarboonka.

Kaarboonka ayaa waxaa laga soo saaraa shidaal dabiici ah iyo tamarta cagaaran

Xigashada Sawirka, Carbon engineering

Qoraalka sawirka, Kaarboonka ayaa waxaa laga soo saaraa shidaal dabiici ah iyo tamarta cagaaran

Shirkadan ayaa waxa ay maalinkii soo saartaa hal barmiil oo shidaalkan ah, waxaana loo isticmaalaa habka tamarta la cusboonaysiin karo.

Shirkadaha iyo dalalka reer galbeedka ayaa si joogto ah isugu dayay hal abuur ay mustaqbalka nolosha lagu maareyn karo. iyada oo dhanka kale la doonayo in deegaanka lagu illaaliyo