Haweenay la kulantay hooyadeed oo iska soo xaaqday 41 sano ka hor

Melissa Ohden oo ilmo yar ah

Xigashada Sawirka, Melissa Ohden

Qoraalka sawirka, Melissa Ohden oo ilmo yar ah

Markii ay Melissa Ohden jirsatay 14 sano waxay ogaatay sir aad cajiib u ah , hooyadeed ayaa isku dayday inay iska soo xaaqdo ama riddo markii ay uurkeeda lahayd. Balse waxaa badbaadisay kalkaaliso maqashay oohin ilamo yar ka dib markii lagu tuuray agagaarka isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka.

"Waxaan ku soo barbaaray ogaanshaha ah inan ku dhashay sagaal bilood ka yar ,oo ay isoo korsadeen waalid aan ahayn kuwii i dhalay." Melissa Ohden, oo hadda 41 sano jir ah ayaa u warantay Victoria Derbyshire oo ka tirsan BBCda.

"Waxa aanan war u haynin inay ii qorsoonayeen arrimahan cajiibka ah, inan adduunka imaaday ayadoo loo malaynayo inan ahay mayd balse aan weli nolahay."

Melissa hooyadeed oo 19 sano jir ah ayaa 1977-dii isbitaal ku yaalla gobolka Iowa, ee Mareykanka iskaga soo xaaqday ilmaha yar , ka dib markii ay muddo shan maalmood ah ay isticmaalaysay daawooyin dhibaataynayo ilmaha.

Markii ay ahayd sideed bilood oo uur ah waxay go'aansatay inay ilmaha ku tuurto meel dawooyinka la isticmaalay lagu qubo.

Kalkaaliso caafimaad ayaa maqashay oohinta iyo dhaqdhaaqa cunuga.

Melissa waxa si degdeg ah loo geeyey isbitaalka ,wayna badbaaday.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in laga yaabo inay noqoto indho la'an ,balse taasi maysan dhicin oo caafimaadkeeda wuxuu noqday mid wanaagsan ,waxaana soo barbaariyey qoys aad u fiican.

Ugu horreyntii Melissa waa ay wareertay balse waxay wajahday xaqiiqda waxayna la fadhiisatay qoyskii soo koriyey .

"Waxay saameysay arrintan xitaa habka aan cunnooyinka u qaato, waxaana billaabay inan qamro cabo. Ma aanan rabin inaan noqdo qofka ay ku dhacday arrintaas."

Melissa iyo walaasheed

Xigashada Sawirka, MELISSA oHDEN

Qoraalka sawirka, Melissa iyo walaasheed

Muddo shan sano ah ayey dareemaysay xanuunka arrintan ,markii 19 sano jirsatay waxay qaadatay go'an ah inay raadiso hooyadeed.

Waxay ku qaadatay muddo ka badan 10 sano ,ugu dambeyntii waa ay heshay hooyadeed.

"Waxa ugu weyn oo aan ka shalaynayo ayaa ah in hooyaday ay muddo soddon sano ah aaminsanayd inan geeriyooday."

"oo aan loo sheegin inan badbaaday" ayey Melissa tiri.

"Hooyaday ma aysan ogayn inan ahay wiil ama gabadh."

Markii ugu horreysay ee ay kulmeen Melissa iyo hooyadeed saddex sano ka dib xilligii ay bilaabeen inay fariimo isu diraan ayey Melissa sheegtay inay ka murugaysantahay naxdinta ka muuqatay hooyadeed.

Melissa Ohden
Qoraalka sawirka, Melissa Ohden

Meliisa hooyadeed oo diiday in la shaaciyo magaceeda ayaa gabadheeda u sheegtay inay waalidgeed ku qasbeen inay iska soo xaaqdo cunugeeda..

"Hooyaday ayeydeed iyo hooyadeed oo asxaab la ahaa kalkaaliyayaasha magaalada ayaa ku qasbay hooyaday arrintaas , ayadoo aan raali ka ahayn"

"Waxay isku dayeen inay meel mariyaan sharciga u yaallay isbitaalka ,marka dadka waxay u maleeyeen in ay hooyaday raali ka ahayd ,ma aysan haysanin fursad ay kula dagaalanto."

Qofka ugu nasiibka badan

"Waxan aaminsanahy inan ahay dadka ugu nasiibka badan dunida," inan ugu horreyn badbaado hadana aan haysto laba waalid.

Melissa iyo hooyadeed waxay hadda ku noolyihiin magaalada Kansas.

"Hooyo waa qeyb weyn oo ka mid ah noolashayda" ayey tiri Melissa.