Daadad iyo roobab dabaylo watay oo ku dhuftay Boorama

.
Qoraalka sawirka, .

Magaalada Borama, gudoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxman Axmed Cali ayaa sheegay in ilaa shan iyo toban qof ay ku dhinteen daadad iyo roobaba dabaylo watay oo ku dhuftay 24-kii saac ee la soo dhaafay degaanno ka tirsan gobolka Awdal.

siiba degmooyinka Lughaya iyo Baki .

Gudoomiyuhu wuxuu BBC-da u sheegay in deegaanada qaarkood ay daadadku la tageen beero badan saracoodii iyo agabkiiba , iyadoo wararka hordhaca ahi sheegayaan xoolo badan oo adhi iyo geel u badan oo qabaw roobabka badani dileen .

Magaalada zaylac ayaa iyana dadkii lga daadgureeyay shalay laakiin aan wax dhimasho ah laga soo sheegin ilaa iyo haatan .dooxyada ku dhow zaylac ayaa daadadku ku qaadeen gaadiid .

Qoraalka Codka, Fatahaado go'doomiyay magaalada Mustaxiil ee dalka Itoobiya

Dhinaca degmada bullaxaar iyo ceel-sheekh ee gobolka saaxil iyana waxaa la soo sheegayaa guryo badan oo uu roobku dumiyay iyo xoolo ku dhintay .

Wararka ayaa sheegaya gurmad ay wadaan xukuumada somaliland iyo hay'adaha caalamiga ahi oo haatan la bilaabay in la gaadhsiiyay dadweynaha khasaaruhu ka soo gaadhay roobabka iyo daadadka.