Maxaa sababay in cudurka Ebola uu Afrika ku soo rogaal celiyo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Fayraska cudurka Ebola ayaa mar labaad soo laabtay, waxa uuna hadda ka dillaacay dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo. In kastoo aan la saadaalin karin meesha iyo goorta uu ka billaan doono, haddana waxaa wax badan laga ogyahay sidii looga hortagi halaa mashaakilka ka dhasha cudurkani.
Warka ku saabsan in cudurkani uu ka dillaacay magaalada Bikoro ee woqooyi galbeed Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo ayaa isla markiiba dadka soo xusuusiyay dhibaatadii cudrkaasi uu sanaddadii 2014 iyo 2016 u geystay waddamada galbeedka Afrika, halkaasi oo uu galaaftay nolasha 11,000 oo qof isla markaana uu ku dhacay balse ka badbaadeen 28,000 qof oo kale.
Waa masiibo cidna aysan jeclayn in lala xiriiriyo ama ay saameyso. Haseyeeshee tan iyo billowgii bishii Abriil ee sanadkan, in kabadan 30 qof ayaa lagu arkay astaamo loo maleeyay cudurkaasi Ebola, 18 ka mid ah dadkaasi ayaa markii dambe u dhintay, halka laba qof oo dadkaasi ka mid ah la xaqiijiyay in ay u dhinteen Ebola.
Haddaba su'aashu waxa ay tahay cudurkani muxuu mar kale u soo laabanayaa, maxaase la qabtay ilaa haatan si looga hortago in uu yeesho saameyn la mid ah tii galbeedka Afrika uu ku yeeshay.
Fara ka baxay
Cudurka Ebola ayaa si dhakhsa ah dadka ugu dhex faafi karaya, waa haddii qofka uu soo gaaro dhecaanka qof xanuunkaasi qaba.
Astaamaha cudurkan lagu yaqaan ee sida in qofku uu qabo hargab ayaanan ahayn kuwo mar kastaa lagu arko qofka bukaanka ah ee la xanuunsan cudurka.
Waxaase hadda walaaca dhaliyay in magaalada uu ka billowday cudurkani ee Bikoro ay tahay magaalo ganacsi oo u dhow magaalooyin kale isla markaana saaran xudduuda dalkaasi.
Magaaladan ayaa ah mid dadku ay is dhex maraan oo uu ganacsi ka dhaxeeyo, ayna suurtagal tahay in cudurkani uu si fudud ku faafo.
Mashaakilkii cudurkaasi ee galbeedka Afrika ee sanaddadii 2014 ilaa 2016 ayaa ka billowday tuulo yar oo ku taalla dalka Guinea. Qofkii ugu horreeyay ee uu cudurka ku dhacay ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa wiil yar oo labo jir ah oo ku noolaa tuuladasi, kaa oo markii dambe dhintay bishii Diseembar ee sanadkii 2013.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cudurka ayaa isla markiiba ku faafay guud ahaan dalka Guinea iyo waddamada deriska ah ee Sierra Leone iyo Liberia, waxa uuna faraha ka baxay markii uu ku faafay dadka ku nool magaalooyinka waaweyn.
Jamhuuriyadda Dimuquaadiga Congo ayaa kumannaan kilomitir waxa ay u jirtaa waddamada galbeedka Afrika ee uu cudurkaasi horey u saameeyay, mana ahan waxa lala yaabo in Ebola uu ka dillaaco meel aad uga fog halkii uu ka billowday sanaddo ka hor.
Fayraska cudurkani ayaa sanadkii 1976 waxa uu hal mar ka dillaacay deegaanka Nzara ee dalka Suudaanta Koonfureed, halkaasi oo uu galaaftay nolasha 151 qof iyo deegaanka kale ee Yambuku ee dalka Congo oo ay cudurkaasi u dhinteen 280 qof.
Deegaanka Yambuku waxaa uu u dhow yahay wabiga Ebola oo ah halka loogu magacdaray cudurkan.
Waa markii sagaalaad oo cudurkaasi lagu arkayo qeybo ka mid ah dalka Congo, waxaana saddex ka mid ah ay ahaayeen intii u dhaxeysay sanaddada 2014 ilaa 2016.
In kastoo la ogaaday meelaha ugu halista badan marka laga hadlayo cudurkaasi, haddana waa ay adag tahay rajada ah in cudurkani gebi ahaanba dunida laga cirib tiro .
Cudurkan ayaa la rumeysan yahay in laga qaado nooc ka mid ah kibilida oo miraha dhirta ku nool kana weyn fiidmeerta caadiga ah balse waxa uu dadku isku qaadsiiyaa dhiigga iyo dhecaanka kale ee jirka ama xitaa waxaa faafiya xayawaanka sida daanyeerta, deerada ama cawsha iyo kashiitada.
Cudurkani ayaa ah mid halis ah oo aad u faafa balse suurtagal ma ahan in la cirib tiro dhammaan noolaha lala xiriiriyo faafitaankiisa.
Suurtagalnimada in la waayo bukaan la xanuunsan Ebola
Balse waxaa fudud in si deg deg ah cudurkani loo xakameeyo oo dadka laga badbaadiyo in ay u dhintaan. Tusaale ahaan dalka Congo oo uu sanad ka hor cudurkani ka dillaacay ayaa isla markiiba la xakameeyay, waxaana laga hortagay in dad badan uu galaafto.

Xigashada Sawirka, AFP
Xilligaasi waxaa cudurkani lagu arkay tuulo ku taal miyiga fog ee gobol ku yaalla woqooyiga dalkaasi balse ka fog xudduudaha dalka, taa oo ka dhigtay mid halistiisu ay aad uga yar tahay kan hadda dillaacay.
Xakameynta faafitaanka cudurkaasi oo deg deg loo qaaday xilligaasi ayaa loo aaneynayaa in uu sababay dhimashada afar qof oo kaliya iyo afar kale oo ka badbaaday.
Hawlwadeenno caafimaad oo gurmad ah oo ka kala socda dowlada Congo, hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay'adaha kale ee samafalka ayaa hadda ku sugan goobta lagu arkay dadka qaba cudurkan.
Hawlwadeennadani ayaa diiradda saaraya sidii ay u karantiili lahaayeen dadka ay suurtagalka tahay in kulmeen dadka qaba cudurkaasi, si uusan cudurka bulshada ugu dhex faafin.
Waxa ayna doonayaan heer ah in la gaaro in la waayo qof qaba cudurkaasi, iyaga oo diiradda saaraya nadaafadda, sida in ay xirtaan waxyaabo ay uga gaashaaman karaan in uu soo gaaro dhecaanka dadka qaba ama looga shakisan yahay in ay qabaan cudurkani.
Sidoo kale, waxaa muhiim ah in bulshada oo dhan laga wacyigeliyo halista cudurkan iyo sida ugu habboon ee looga gaashaaman karo.
Tijaabo dhiig oo laga qaaday bukaanada looga shakisan yahay in uu hadda soo ritay cudurkani ayaa waxaa loo diray sheybaarka qaran ee ku yaalla magaalada Kinshasa, si halkaasi loogu soo baaro.
Tallaalka cudurka Ebola
Ilaa hadda waxaa la ogaaday shan nooc oo ka mid ah fayraska dhaliya cudurka Ebola oo uu ka mid yahay nooca Zaire oo ah kan ugu halista badan, waana midka hadda ka dillaacay Congo. Balse hadda waxaa la hayaa tallaal tijaabo ah oo looga hortagi karo cudurkaasi.

Xigashada Sawirka, CENTERS FOR DISEASE CONTROL AND PREVENTION
In kastoo tallaalkani aan caalamka oo dhan la ogolaan isticmaalkiisa, haddana waxaa la xaqiijiyay in looga hortagi karayo cudurkan isla markaana uusan la hayn wax kale oo dhibaato ah oo bani'aadamka waxyeeleynayo.
Sida deg degga ah ee dowladda Congo ay uga jawaabtay cudurkan ayaa ka turjuuma in dowladdu ay kal hore isa sii diyaarisay balse wali ay muhiim tahay gurmadka caalamka intiisa kale.










