Gabadh maleegtay in ay madxafka Britain weerarto

Xigashada Sawirka, Julia Quenzler
Gabadh foodlay ah ayaa maleegtay weerar ay miino iyo qori ku weerarayso madxafka Britain ka dib markii laga carqaladeeyay in ay guursato nin jihaaddoon ah, sida maxkamad loo sheegay.
Safaa Boular ayaa 17 jir ahayd markii lagu eedeeyay in ay go'aansatay "in ay nafta hurto" ka dib markii Suuriya lagu dilay wiil ay jeclayd oo u dagaalamayay Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, sida loo sheegay maxkamadda Old Bailey
Safaa oo hadda 18 jir ah ayaa diiday labo dacwadood oo ah in ay diyaarinaysay falal argagixisanimo.
Walaasheed Rizlaine Boular oo 21 jir ah ayaa qiratay in ay qorshaynaysay weerar ay ka gaysato Westminster kaas oo ay u adeegsan lahayd tooriyo.
Waxay kaalmo iyo garab istaagba ka heshay hooyadeed Mina Dich sida xeerbeegtiga loo sheegay.

Xigashada Sawirka, Met Police
Duncan Atkinson oo ah dacwad ooge ayaa sheegay in Safaa Boular oo hooyadeed kula noolayd Vauxhall "in ay rabtay in ay weerar argagixiso ka gaysato wadnaha magaalada London".
Wuxuu intaas ku daray in qoyskeedu ay ku dhiirigaliyeen "una damaashaadeen".






