Janaraal sheegay inuu duullaan ku qaadi doono magaalo ku taalla Liibiya

Xigashada Sawirka, AFP
Bariga Liibiya waxaa billooyin ka jiray hanjabaadaha miliatari ee la doonayo in lagu weeraro magaalada Derna taaso hadda ay u muuqato inuu garwadayn ka yahay Jarnaal khalifa Haftar.
Janaraal Khalifa Haftar ayaa shaaca ka qaaday inuu billaabayo dagaal looga la wareegayo magaalada dekedda leh ee Derna, waxaa uu ugu yeeray 'argagixisada'
Isagoo ka hadlayay magaalada Banqazi wuxuu sheegay in ciidammadiisu uu amar ku siiyay inay badbaadiyaan rayidka.
Ninkan tageerada ka hela dalka Masar ayaa dadaal dheer ugu jiraa sidii u qabsan lahaa awoodda dalkaasi.
Wuxuu ka horyimid dowladda caalamka ictiraafsan yahay ee uu fadhgeedu yahay Tripoli islamarkaasna ka walacsan dadaalada qaramada midoobay ee midaynta dalka kala qaybsamay.
Magaalada Derna ayaa ah goobtii ugu dambaysay ee bariga ku taalla oo uusan ka talinin Khalifa Haftar halkaaso oo loo arko inay tabbabar ku qaatan kooxo meleeshiyaad ah oo kasoo jeedo dalka Masar.
Dagaalka looga dhawaaqay magaalada Derna ayaa ka dhan ah kooxo meleeshiyaad maxalli ah kuwaaso qaarkood la rumaysan yahay inay xirriir la leeyihiin Al-Qaeda taaso horraan ay diideen inay jirtaan golaha maamulka Liibiya.
Derna ayaa noqotay magaaladii uu horreysay ay qabsadaan kooxda isugu magacaawday khilaafada islaamka sanadkii 2014-tii balse markii dambe waa laga saaray.










