Hogaamiyaha mucaaradka Armenia oo ku baaqay dibadbaxyo cusub

Nikol Pashinyan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Nikol Pashinyan

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Armenia Nikol Pashinyan ayaa ku baaqay dibadbaxyo guud ka dib markii xisbiga haya talada dalkaasi ee Jamhuuriga ay ansixiyeen cod ay ku diidayaan in uu rai'sul wasaare noqdo.

Mr Pashinyan ayaa waxaa maalin dhan su'aalo waydiinayay baarlamaanka iyada oo ay taageerayaashiisa ay ka daawanayeen shashado la dhigay fagaara ku yaalla caasimada Yerevan.

Balse xildhibaanada xisbiga taladaa haya ayaa isaga baxay heshiiskii ahaa in ay taageeri doonaan Mr Pashinyan .

Mr Pashinyan ayaa codeynta ka dib waxa uu dib ugu biiray taageerayaashiisa oo ku sugayay dibadda aqalka baarlamaanka.

Waxa uu ku baaqay in laga bilaabo Arbacada subaxii ay taageerayaaashiisa xiraan wadooyiinka, garoomada diyaaradaha iyo goobaha taareenada laga raaco.

Hogaamiyaha mucaaradka dalka Armenia Nikol Pashinyan ayaa sheegaay in dibadbaxa uu noqon doono mid si nabad ah u dhaca.