Booliiska oo u dhacay ‘Warshadda carruurta’ Nigeria

Xigashada Sawirka, AFP
Booliiska dalka Nigeria ayaa weeraray goobo lagu hayay carruuro badan, kuwaas oo si sharci daro ah looga macaashayay carruurta sida uu BBC-da u sheegay Agboola Dabiri oo ka tirsan saraakiisha magaalada Lagos.
Meelaha ayaa ka mid ah xarumo aqoonta ah iyo meelo kale oo la sheegay in dumarka dhalay ilmaha aabo la'aanta loo balanqaado daryeel caafimaad, iyo lacag, kadibna ilmaha lagala wareego, kuwaas oo laga sii iibsanayo dad lacag heysta oo aan balse carruur heysanin, ama xitaa dad u baahan shaqaale jaban oo carruur ah.
Dumarka qaar ayaa la sheegay in goobahan lagu kufsado, laguna uureeyo si ilmaha looga qaato hadhoow.
Illaa 100 gabdho ah iyo 62 wiilal yaryar ah ayaa lagu soo badbaadiyay hawlgalkan oo ka dhacay magaalada Lagos, waxaana la geeyay goob badqabta oo ay dowladda ugu talogashay.






