Dadka Armenia oo u damaashaaday iscasilaadda Ra'iisulwasaaraha

Sargsyan ayaa lagu dhaliilay in uu xiriir dhaw la leeyahay Ruushka

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Sargsyan ayaa lagu dhaliilay in uu xiriir dhaw la leeyahay Ruushka

Dad ayaa damaashaad ka dhigay caasimadda Armenia ee Yerevan ka dib markii ay mudaaharaadyo ku qasbeen ra'iisulwasaare Serzh Sargsyan in uu is casilo.

Taageereyaasha mucaaradka ayaa Sargsyan ku eedeeyay in uu ka fuqi la'yahay xilka ka dib markii uu xilka ra'iisulwasaarenimada qabtay toddobaadkii hore isaga oo 10 sano dalka ka soo ahaa madaxweyne.

"Kacdoonka waddada waxaa lagu diidan yahay xilkayga. Waxaana ka dhabaynayaa dalabkiina," ayuu yiri Sargsyan oo war qoraal ah soo saaray.

Karen Karapetyan oo ah ra'iisulwasaarihii hore ayaa xilka si ku meel gaar ah u qabtay.

Armen Sarkissian ayaa aqbalay iscasilaadda Sargsyan iyo xukuumadda.

Dadka mudaaharaadaya ayaa Isniintii isku aruursaday magaalada caasimadda ah ee Yerevan

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dadka mudaaharaadaya ayaa Isniintii isku aruursaday magaalada caasimadda ah ee Yerevan

Ku dhawaaqidda Sargsyan ayaa timid waxyar uun ka dib markii xabsiga laga sii daayay Nikol Pashinyan oo ah hogaamiyaha mucaaradka.

Pashinyan ayaa la xiray Axaddii ka dib markii uu ku baaqay in uu is casilo Sargsyan xili laga waraysanayay telefeshin.

Pashinyan ayaa markaas lala qabtay labo siyaasi oo kale oo mucaarad ah iyo 200 oo ruux oo mudaaharaad dhigayay.

Tobannaan kun oo ruux oo mudaaharaadayada ayaa waddooyinka isugu soo baxay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Tobannaan kun oo ruux oo mudaaharaadayada ayaa waddooyinka isugu soo baxay