Dubai oo bilaabaysa taargooyin Dijitaal ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Darawaliinta ku sugan Dubai ayaa lagu wadaa in ay dhawaan billaabaan qorshe cusub oo ay ku isticmaali doonaan taargo dijitaal ah.
Waxaa lagu wadaa in la billaabo bisha soo socota tijaabo lagu ogaanayo in taargooyinkan casriyeysan oo u shaqaynaya qaab dijitaal ah lagu rakibi doono gaariyada.
Taargadan cusub ayaa suurta galinaysa in la ogaado marka uu darawalka u baahan yahay adeeg dagdag ah ama uu shil la kulmo.
Dubai ayaa dhawaanahan wadday mashruucyo ay ku hormarinaysay howlaha gaadiidka, iyadoo doonaysa inay noqoto xarunta ugu tiknolojiyadda sarraysa caalamka.
Waa maxay faa'iidooyinka ay taargooyinkan cusub leeyihiin?
Sultan Abdullah al-Marzouqi, oo ah madaxa waaxda maamulka gaadiidka ayaa sheegay in taargadan cusub ay u fududaynayso darawaliinta shaqadooda.
Waxaa ay sidoo kale suurta galinaysaa in ay sheegto marka gaariga la dhaco, iyadoo qarashka gaariga ku baxaya laga jari doono kaarka darawalka gaariga .

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taarikadan cusub ayaa laga isticmaali doonnaa bogga ama website-ka waaxda gaadiidka.
Dubai ayaa waxay wadaa qorshooyin ay ku ballaarinayso tiknolojiyadda gaadiidka, waxayna rajeynaysaa in ay keento gawaari iskood isku wada.
Dubai waxay sidoo kale qorshaynaysaa in ay hirgaliso gaadiid uu xawaarihiisa aad u dheereeyo oo ay isticmaali doonaan rakaabka u socda Abu Dhabi, iyagoo ay ku qaadan doonto daqiiqado yar in ay gaaraan caasimadda.










