Sacuudiga oo laga furayo goob aflaamta lagu soo bandhigo

Saudi

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Crown Prince Mohammed bin Salman met French PM Édouard Philippe in Paris on Monday

Faransiiska ayaa Sucuudiga ka caawinaya goob lagu qabto fanka iyada oo markii ugu horreysay filimaan Sacuudi ah lagu daawanayo bandhiggan

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo wiilka sugaya dhaxalka dalkaasi uu ku sugan yahay dalka Faransiiska, waxayna tan muujineysaa sida uu ugu firfircoon yahay in uu dalkiisa u furfuro dhaqamada iyo fanka.

Waxaa la filayaa in uu Faransiiska la saxiixdo heshiis ay waqooyiga Sacuudiga kaga sameynayso madxaf dusha ka furan.

Saudi

Xigashada Sawirka, Reuters

Deegaankaas wuxuu ku yaallaa magaalada Mada'in Saleh oo ah magaalo ka sameysan dhagax xardhan oo ay dhiseen dadkii la oran jiray Nabataiins oo hore u dhisay magaalada Petra oo ah goobta keliya ee ururka UNESCO uu diiwaan geliyay ee ku taalla Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa bishii February sheegay in adduun dhan $64bn (£45bn) ii ku maalgelin doono horumarinta fanka iyo madaddaalada 10ka sano ee soo socda.