Curaar lagu soo rogay caagagga cabitaannada

Curaarta waxay dhiirri gelin doontaa in aan la tuurin caagagga
Qoraalka sawirka, Curaarta waxay dhiirri gelin doontaa in aan la tuurin caagagga

Dadka ku nool waddanka Ingiriiska ayaa dhawaan bixin doona curaar haddii ay iibsadaan cabitaan ku jira caagag ama qasacado, si loo dhiirrigaliyo dib u isticmaalka, loona yareeyo in la tuuro.

Curaartu waxay sare u qaadaysaa qiimaha, laakin dadka isticmaalaya lacagtooda dib ayey u helayaan haddii ay caagga dib u soo celiyaan.

Qorshahan waxaa la filayaa inuu noqdo mid khuseeya galaasyada marka qura la isticmaalo iyo caagagga cabitaannada, iyo sidoo kale qasacadaha.

-
Qoraalka sawirka, -

Weli lama go'aansan curaartu inta ay le'ekaanayso, laakinse meelaha kale Yurub marka la fiiriyo waxay u dhaxaysaa 22p oo ah curaarta Jarmalka, ilaa iyo 8p oo ah tan Sweden.

Xoghayaha arrimaha deegaanka, Michael Gove, wuxuu sheegay in muran uusan ka joogin in caagaggu dhibaato weyn ku hayaan bii'ada badaha

UK waxaa sannad kasta laga isticmaalaa 13 Bilyan oo ah caagagga cabitaanka, in ka badan 3 bilyanna dib looma isticmaalo.