Qarax ka dhacay meel aan ka fogayn baarlamaanka Soomaaliya

Afaafka Hotel Wehliye ee qaraxu ka dhacay

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

Qoraalka sawirka, Afaafka Hotel Wehliye ee qaraxu ka dhacay

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay, 10 kalena way ku dhaawacmeen weerarka qaraxa ah oo ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye sida uu warabaahinta u sheegay afhayeenka wasaaradda amniga, Cabdicasiis Xildhibaan.

Dhanka kalena, adeegga gaadiidka gurmadka degdegga ee Aamin Ambulances ayaa BBC u sheegay inay daad gureeyeen meydadka 6 qof iyo dhaawaca 13 kale.

Gaadiid iyo meherado uu qaraxu burburiyey
Qoraalka sawirka, Gaadiid iyo meherado uu qaraxu burburiyey

Weerarka is miidaaminta ah oo ka dhacay abaarihii 4tii iyo barkii galabnimo waddada aadka loo ilaaliyo ee Maka Al Mukarrama ayaa wax ka yar hal kiloomitir u jiray xarunta baarlamaanka Federaalka iyo xarumaha kale ee dawladda.

Qaraxa wuxuu kaloo sababay burbur xoog leh oo soo gaaray meherado ganacsi oo halkaa ku yaallay iyo gaadiid, wuxuuna dhulka soo dhigay baallayaasha iyo fiilooyinka korantada.

Xilliga uu dhacay qaraxa waxaa waddada isticmaalayey dad iyo gaadiid badan, waxaana durba xiray ciidanka amniga oo baaritaanno halkaa ka bilaabay.