Macalin arday baray maadada kumbuyuutarka isaga oo aanan kumbuyuutar haysanin

.

Xigashada Sawirka, INNOCENT FRIMPONG

Shirkadda Microsoft ayaa balanqaaday in ay qalab kumbuuyutar u iibin doonto macalin ku nool dalka Ghana oo arday barayay cashar ku saabsan kumbuyuutarka isaga oo aanan haysanin wax kumbuyuutar ah.

Sida sawirka idiinka muuqda, macalinka ayaa casharka ku bixinaya sabuurad, wuxuuna sawiray barnaamijka Word ee qoraalada lagu sameeyo ee shirkadda Microsoft soo saarto.

Sawirkiisa ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana lasii faafiyay kumanaan kun oo jeer, iyada oo dadka baraha isticmaala ay aad ugu bogaadiyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu bixiyay.

Magaciisu Owuru Kwadwo ayaa Microsoft ka helaya qalab cusub oo uu ku shaqeeyo.