Suuqa saamiyada ee Jakarta oo burbur soo gaaray

Booliiska ayaa aagaas isku gadaamay daad gurayn ayaana laga billaabay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa aagaas isku gadaamay daad gurayn ayaana laga billaabay

Burbur ayaa soo gaaray dhismaha suuqa saamiyada ee magaalada Jakarta, waxaana lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 12 ruux.

Sawirro la isla dhemaray baraha bulshada ayaa muujinaya safiitada iyo saqafka oo laadlaada iyo alaabadii kale oo jajaban iyadoo uurana ay kacday.

Dadka ayaa goobtaas laga daad gureeyay booliiska ayaana isku gadaamay, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Tiro dad ah ayaa la arkay iyaga oo laga soo saarayo dhimaha oo saaraan sariirta lagu riixo dadka dhaawaca ah ama xannuunsan.

Qof u shaqeeya Bangiga Adduunka oo ku sugan Jakarta, xaruntiisuna ay tahay isla dhismahaas ayaa BBC u sheegay in ay soo duntay jaranjar dhismaha kormarta.

Wuxuu sheegay in la soo badbaadiyay isaga iyo qayb ka mid ah saaxiibbadiisa shaqada.

Dad dhaawac ah ayaa lagu arkay bannaanka dhismaha

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad dhaawac ah ayaa lagu arkay bannaanka dhismaha

Argo Yuwono oo ah afhayeen u hadlay booliiska ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhaawacmeen 15 ruux.

Wuxuu sheegay in dadkii dhaawacmay la geeyay isbitaalladii u dhawaa.

Argo ayaa Telefishinka Metro u sheegay in ay wali baarayaan waxa sababay laakiin ay ahmiyadda saarayaan dadka dhaawaca ah.