Farmaajo oo ku farxay sida Garoowe loogu soo dhaweeyay

Wafdiga madaxwaynaha oo garawe gaaray
Qoraalka sawirka, Wafdiga madaxwaynaha oo garawe gaaray

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe.

Farmaajo ayaa markii ugu horaysay ka soo dagay garoonka diyaaradaha Garoowe oo muddo ka badan 2 sano uu ka socday dhisme cusub iyo casriyayn lagu samaynayay Madaarkaas oo la qorshaynayo inuu noqdo mid caalami ah.

Madaxweynaha DFS oo horkacayay xubno ka socda golayaasha dowladda iyo Madaxtooyada ayaa markii diyaaradii waday ay soo caga dhigtay garoonka Garoowe, wuxuu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland.

Mas'uuliyiin uu horkacayay Madaxweyne Gaas ayaa wafdiga dowladda Federaalka ku soo dhaweeyay Garoowe, waxayna ka hor inta aan loo gudbin gudaha magaalada kullan gaaban madaxdu kuwada qaateen garoonka gudahiisa.

Shirkaas faah faahin lagama hayo maadama saxaafaddu ay dibad joog ka ahayd.

Kumannaan kamid ah shacabka ku dhaqan Garoowe ayaa sidoo kale ka qayb qaadanayay soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo waqti badan ku sugyay waddooyinka iyo fagaaraha ay caanka ku tahay magaalada Garowe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland, ayaa si wadajir ah saxaafadda ugula hadlay xarunta Madaxtooyada, waxayna ku cabireen dareenkooda iyo waxyaabaha safarkan khuseeyo.

Cabdiwali Gaas, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay imaanshaha wafdi heerkaas gaarsiisan oo ka socda dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in dhowr cisho ay joogi doonaan deegaanada Puntland, si ay u idho-indheeyaan xaaladda guud iyo mida shacabka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa isna xusay inuu booqan doono ilaa dhowr magaalo oo kamid ah Puntland, wuxuuna intaas raacshay inuu la kulmi doono Odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si uu uga waraysto xaaladda guud iyo nabadgalyada.

Wafdigan ayaa lagu wadaa inay sii joogaan magaalada Garoowe ilaa Talaadada soo socota, iyagoo markaas ka dib aadi doona Qardho ilaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne Farmaajo oo soo noqday Ra'isal wasaaraha dalka uu booqday Puntland, wuxuuna xariga ka jari doona garoonka Garoowe oo dhismihiisu gabo-gabo marayo.

Daawo qaar ka mid ah sawiradda soo dhawaynta

Qaar ka mid madaxda Puntland oo soo dhawaynaysa madaxwaynaha
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid madaxda Puntland oo soo dhawaynaysa madaxwaynaha
Qaar ka mid ah shacabka oo ka qaybqaadanaya soo dhawaynte madaxwayne Farmaajo
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah shacabka oo ka qaybqaadanaya soo dhawaynte madaxwayne Farmaajo
Madaxwaynaha oo salaamaya shacabka soo dhaweeyay
Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha oo salaamaya shacabka soo dhaweeyay
Diyaaraddii siday madaxwaynaha oo garoonka Garawe ka soo caga dhigatay
Qoraalka sawirka, Diyaaraddii siday madaxwaynaha oo garoonka Garawe ka soo caga dhigatay
Madaxwaynaha oo salaan sharaf ka qaadanaya cutubyo ka mid ah ciidamada
Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha oo salaan sharaf ka qaadanaya cutubyo ka mid ah ciidamada
Madaxwaynaha Cabdi wali iyo madaxwayne Farmaajo oo salaan sharaf qaadanaya
Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Cabdi wali iyo madaxwayne Farmaajo oo salaan sharaf qaadanaya
Qaar ka mid ah dumarka soo dhawaynaya oo sita sawirka madaxwayanaha
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dumarka soo dhawaynaya oo sita sawirka madaxwayanaha
Boor uu ku dhaganyahay sawirka madaxwayne Farmaajo
Qoraalka sawirka, Boor uu ku dhaganyahay sawirka madaxwayne Farmaajo