Dabka California oo noqday kii ugu weynaa taariikhda

Sawirro Satellite lagu qaaday oo muujinaya dabka oo baabi'iyey waqooyiga Los Angeles, kuna faafay dhinaca badda Pacific.

Xigashada Sawirka, NASA/EPA

Qoraalka sawirka, Sawirro Satellite lagu qaaday oo muujinaya dabka oo baabi'iyey waqooyiga Los Angeles, kuna faafay dhinaca badda Pacific.

Dab xoog leh oo baabi'iyey in ka badan 700 oo guri oo ku yaalla gobolka California ayaa iminka noqday dabkii ugu weynaa ee soo mara taariikhda gobolkaas.

Dabka oo loo bixiyey Thomas ayaa gubay in ka badan 1000 KM oo isku wareeg ah. Waa bed ka ballaaran magaalooyinka New York, Brussels iyo Paris oo la isku daray.

Dabka wuxuu horraantii Disembar ka billowday Santa Paula, wuxuuna ku fiday dhinaca galbeed ee xeebta, isagoo ka mid ah dhowr dab soo maray California bilihii dhowaa.

Kumanaan dab damiyeyaal ah ayaa la hawlgaliyey si ay u bakhtiiyaan.

Inta badan dababkii gobolkaas ka qarxay ayaa la diiwan geliyey qarnigan. Saynisyahannadu waxay sheegayaan in cimilada sii kululaanaysa iyo dhismayaasha ku sii faafaya meelaha baadiyaha ah ay qayb ka qaadanayaan.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 1

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan, 2

Dabkan la magac baxay Thomas ayaa kuwii isaga ka horreeyey ka sare maray, gaar ahaan kan loo yaqaanno Cedar ee ka dhacay San Diego 2003, kaasoo gubay 273, 246 acre oo dhul ah.

Dabka Thomas wuxuu burburiyey in ka badan 1000 dhisme, waxaana ku dhintay hal dab damiye oo la yiraahdo Corey Iverson.

Iminka si tartiib ah ayuu u socdaa, waxaana ugu wacan dabaylo aan badnayn iyo roobab da'aya.

Dab damiyeyaal isku dayaya inay dabka bakhtiiyaan

Xigashada Sawirka, MARK RALSTON

Qoraalka sawirka, Dab damiyeyaal isku dayaya inay dabka bakhtiiyaan

Hay'adda gobolkaas u qaabilsan dam daminta waxay sheegaysaa in iminka 65% dabka la bakhtiiyey, lana filayo in si tartiib ah uu u socdo.

Todoba ka mid ah 10kii dab ee ugu waaweynaa California ayaa dhacay tan iyo sannadkii 2000.

Laba waxay dheceen 70meeyadii, midna 1932kii, kaasoo baabi'iyey degmada Ventura.