Labo musharax oo guulo ka kala sheegtay doorashada Honduras

Juan Orlando Hernández madaxweynaha Honduras

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Juan Orlando Hernández madaxweynaha Honduras

Labada musharax ee ku tartamay wareega labaad ee madaxweynenimada dalka Honduras ayaa wada sheegtay in ay ku guuleysteen doorashada.

Musharaxa xisbiga mucaaradka Salvador Nasralla iyo madaxweynaha hadda xilka haya Juan Orlando Hernandez ayaa labaduba sheegtay guusha xili guddiga doorashooyinka ay codadka tiriyeen boqolkiiba 57%.

Guddiga ayaa sheegay in codadka uu ku horeeyo Mr Salvador, uuna heysto 45% codadkii la bixiyay halka madaxweynaha uu heysto 40% boqolkiiba.

Kumanaan taageerayaasha labada musharax ayaa isugu soo baxay dariiqyada si ay ugu dabaaldegaan guulaha la kala sheegtay.

Salvador waa 64 jir horey u ahaan jirey wariye , islamarkaasna ah taajir weyn. Waxa uu hoggaamiyaa isbahaysiga xisbiyada bidixda iyo midigta.

Salvador Nasralla hoggaamiyaha mucaaradka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Salvador Nasralla hoggaamiyaha mucaaradka

Madaxweyne Juan ayaa waxa uu yahay 49 jir, horeyna usoo ahaa garyaqaan.

Dastuurka Hondurus ayaa waxa uu horey u dhigayay in madaxweyne mar la doortay uusan mar labaad isa soo sharixi karin, balse maxkamadda sare ee dalkaas ayaa laashay qodobka mamnuucaya dib u doorashada.

Taageerayaasha mucaaradka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha mucaaradka

Illaa 6 milyan oo qof ayaa isu diiwaangalisay codbixinta oo sidoo kale lasoo dooranayo xubnaha aqalka Congress-ka iyo guddoomiyeyaasha magaalooyinka.

Teegerayaasha madaxweynaha

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Teegerayaasha madaxweynaha