Muslimiinta iyo Buudistaha dalka Sri Lanka oo dagaallamay

Sri Lanka

Booliska rabshadaha ka hortaga iyo ciidamada milatariga ayaa la geeyay koonfurta dalka Sri Lanka kaddib markii ay halkaasi ka billowdeen rabshado u dhaxeeya Muslimiinta iyo dadka haysta diinta Buudistaha.

Sida la sheegay ilaa 19 qof ayaa xabsiga la dhigay kaddib rabshado ka dhacay gobolka Galle, waxaana weerar lagu qaaday guryo iyo goobo ganacsi.

Waxaa colaaddaasi gebi ahaanba ku burburay hanti aad u badan.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay rabshadahan balse wararka qaar ayaa sheegaya in shil baabuur oo halkaa ka dhacay ay ka billowdeen.

Mas'uuliyiinta dalkaasia yaa sheegaya in rabshadahaasi diimaha ku saleysan haatan la xakameeyay.

Wasiirka sharciga iyo kala dambeynta ee dalkaasi Sagala Ratnayaka ayaa dadka uga digay in naceybka diimaha ku saleysan aan lagu baahin baraha xiriirka bulshada.

Sri Lanka

Wararka qaar ayaa sheegaya in rabshaduhu ay billowdeen kaddib markii nin Buudiista ah uu mooto jiirsiiyay haweeney muslim ah.

Sidoo akle waxaa jira warar la isla dhex marayay oo sheegayay in rabshadahaasi ay ka dhasheen muran ku saabsan lahaanshaha dhul, kuwaasi oo lagu baahiyay baraha ay bulshada ku wada xiriirta.

Dalkaasi Sri Lanka waxaa u badan dadka aaminsan diinta Buudiistaha, waxaana rabshado noocani oo kale ah ay saddex sano ka hor ka dheceen deegaan halkaasi u dhow, waxaana xilligaasi ku barakacay kumannaan muslimiin ah.

Sri Lanka