Beesha caalamka maxay ka tiri doorashada Kenya?

Dad saf ugu jira xarun codbixin, Eldoret, Kenya
Qoraalka sawirka, Dad saf ugu jira xarun codbixin, Eldoret, Kenya

Qoraal ay soo saareen danjirayaasha reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi ayey ku sheegeen inay si murugo leh isha ugu hayaan arrimaha doorashada ee ka socda Kenya.

Waxay sheegeen inay ka xun yihiin wax ay ugu yeereen "faragelinta sii socota ee labada dhinac ay ku wiiqayaan hawlaha madaxa banaan ee guddiga doorashada, garsoorka iyo hay'adaha kale ee lagama maarmaanka u ah".

Waxay hadalkooda ku cambaareeyeen weerar la sheegay in lagu qaaday qof ilaalo u ahaa ku xigeenka guddoomiyaha maxkamadda sare.

Waxay sheegeen inaysan jeclaysan in fadhigii maxkamadda sare ee shalay uu qabsoomi waayo, inkastooay jeclaayeen in kiiska doorashada doorashada go'aan laga gaaro inta aan la isku celin.

Qoraalka Muuqaalka, Booliska iyo taageerayaasha Odinga ee Kisumu oo isku dhacay

Dadka waddanka Kenya ayey ugu baaqeen inay muujiyaan deganaan oo ay ku dhaqmaan mabaadii'da dastuurka. "Kenya waxay khatar ugu jirtaa inay lumiso wixi ay hanatay tan iyo 2008, ilaa iyo ay dadku isu yimaadaan wakhtigan xasaasiga ah mooyee, si ay u dhawraan dimoqaraadiyadooda iyo aasaaska xorriyaadkooda" ayey yiraahdeen.

Qoraalka waxaa wadajir u soo saaray madaxda ergooyinka diplomaasiyadeed ee Nairobi u fadhiya Maraykanka, Midowga Yurub, Finland, Norway, Netherlands, Denmark, Faransiiska, Australia, UK, Switzerland, Sweden, Germany, Canada, Talyaaniga iyo Beljam.