Xoogaga mucaaradka Suuriya oo duulaan xooggan ku qaaday Raqqa

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

Xoogaga mucaaradka Suuriya ee ay taageeraan reer galbeedka dadaalkana ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Raqqa ayaa waxa ay sheegeen in ay qaadeen duulaankoodii ugu dambeeyay .

Qaar ka mid ah dagaalyahanada kooxda la baxday dowladda Islamka ayaa xalay isaga baxay magaaladaasi Raqqa.

Ka bixitaankooda ayaa dambeeyay ka dib wadaxaajood ay gar wadeen ka ahaayeen hogaamiyayaal rayid ah oo ka tirsan dadka degaanka.

Balse waxaa wali magaalada Raqqa ku haray tiro maleeshiyaad ah .

Ciidamada mucaaradka ee lagu magacaabo xoogaga Dimuqraadiyada Suuriya ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan dagaalka ilaa ay gacanta uga dhigayan magaalada Raqqa.

Magaalada Raqqa ayaa ahayd meel ay ku xooganaayeen kooxda IS waxa ayna ku tilmaameen in ay caasimad u tahay.

Haddii ay kooxda IS gacantooda ka baxdo magaalada Raqqa waxaa loo arkaa in ay tahay jab xooggan oo kooxda soo gaaray.

Dhanka kale Waxaa heshiis lagu gaadhay in dadka rayidka ah lagaga daad gureeyo magaalada Raqqa ee dalka Suuriya basas, halkaas oo ay kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee gacanta ku haysa ay go'doomiyeen dagaalyahannada xulufada Maraykanku hogaaminayo ee Carabta iyo Kurdiyiinta ah.

Af-hayeen u hadlay xulufada ayaa sheegay in heshiiskan oo ay ka shaqeeyeen saraakiil goobta joogaa, uu dhigayo in kolonyada basaska ah ee rayidka magaalada ka daad guraynayaa ay ka baxaan magaalada Sabtida, hase yeeshee aan la ogalayn in ay dagaalyahannada ajaanibta ah ee kooxda Daacish aanay ku jirin dadka la daad guraynayo.