Lammaane si xirfadeysan milyan dollar uga xaday suuqa internet-ka ee Amazom

Amazon waxa uu ka midyahay suuqyada adduunka ugu waaweyn ee qadka wax looga iibsado

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Amazon waxa uu ka midyahay suuqyada adduunka ugu waaweyn ee qadka wax looga iibsado

Nin iyo xaaskiisa oo ku nool dalka Maraykanka ayaa lasoo taagay maxkamad, waxayna qirteen in ay xadeen ama si qiyaamo ah ku qaateen alaab qiimaheedu dhanyahay $1.2 milyan.

Lammaanahan oo lagu kala magacaabo Joseph Finan iyo Leah Finan ayaa alaabaha ka xaday suuqa weyn ee qadka wax looga iibsado ee Amazon.

Waxa ay samaysteen boqolaal ciwaan oo been abuur ah, kadibna waxa ay Amazon ka dalbadeen aalado casri ah iyaga oo kolba iska dhigaya qof cusub, kadibna inta wacaan qeybta daryeelka macaamiisha ee Amazon ayay u sheegi jireen in alaabtii ay kusoo burburtay ama kusoo halowday boostadii loosoo dhigay, kadibna waxaa dhacaysay in Amazon ay markale usoo dirto alaab kale oo lacag la'aan ah oo tii ay iibsadeen ka mid ah.

Alaabta ay xadeen waxaa ka mid ah kaamarooyin, saacado casri ah iyo qalab kale oo madadaalada loogu talogalay, waxayna kasii iibin jireen shirkad ku taala New York oo aanan magaceeda la shaacin.

Xukunka maxkamadda ayaa lagu ridi doonaa 9-ka November, waxaana lagu xukumi karaa $500,000 oo ganaax ah iyo 20 sano oo xarig ah.

Xatooyadan ayaa laga warheley kadib markii ay baaritaan sameeyeen wakaaladda boostada, booliiska gobolka Indiana iyo laanta canshuuraha.

Amazon ayaa ah suuqa ugu weyn adduunka ee alaabaha iyo badeecooyinka kala duwan looga qado qadka internet-ka, iyada oo alaabta laguugugu keenayo gurigaaga.