Shiinaha iyo Mareykanka oo ka wadahadlaya xaalaad k/waqooyi

Rex Tillerson

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Rex Tillerson

Xogahaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson,ayaa ku sugan magaalada Beijing oo uu wadahadal kula yeelan doono hogaamiyayaasha Shiinaha.

Xiisada sii kordhaysa ee u dhaxaysa Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay noqoto ajandaha ugu sareeya ee ay labada dhinac ka wada hadli doonaan.

Maamulka madaxwayne Trump ayaa rumaysan in Shiinaha ay muhim u yihiin dadaalka loogu jiro in lagu qasbo Kuuriyada Waqooyi in ay joojiso barnaamijkeeda hubka Niyukleerka.

Dowlada Shiinaha ayaa u muuqata mid muujinaysa in ay ka go'antahay dhaqangalinta cunaqabatayntii Qaramada Midoobe ay ku soo rogtay Kuuriyada Waqooyi.

Maalintii Khamiista ayay ahayd markii dowladda Shiinaha ay shaacisay in shirkadaha Kuuriyada Waqooyi ee ka shaqeeya dalkeeda ay howsha joojiyaan.

Xukuumadda Shiinaha ayaa u muuqta in ay fulinayso dalabka cusub ee Mareykanka ee lagu cunnaqabateynayo Pyongyang..

Shirkadaha waxay shaqada si rasmi ah u joojin doonaan horraanta bisha January ee sanadka soo socda.

Sidoo kale shirkadaha ay wada leeyihiin Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa la xiridoonaa.

Shiinaha waa xulafada ugu wayn ee Kuuriyada Waqooyi, wuxuuna horey u mamnuucay dhoofka dharka iyo shidaalka ee labada dhinac.

Booqashada Mr Tillerson ayaa ku soo beegmaysa xilli lagu wado in madaxwayne Trump uu booqdo Shiinaha Bisha November.