Maxay tahay sababta aan loo joojineyn "handadaadaha" Trump?

Twitter logo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Twitter ayaa sheegtay in xeerarkeeda ay bedeli doonto

Shirkadda Twitter-ka ayaa lagu qasbay in ay cadeeyso sababta aysan u aaminsanayn in qoraalka Trump uusan jebinayn xeerarka u yaalla shirkadda.

Qoraalka laga doodayo ee la diidan yahay, wuxuu madaxweyne Trump ku hanjabay in uu burburinayo Kuuriyada Waqooyi.

Dad badan waxay ku doodayaan in qoraalkaa uu xadgudub ku yahay shuruucda Twitter-ka oo aan ogolayn hnjabaad dagaal, waxayna dalbanayaan in qoraalkaasi la tirtiro.

Shirkadda Twitter-ka waxay sheegtay in qoraalkaa uu barta ku sii jiridoono maadaama uu yahay "war mudan in la sheego".

Qoraalka Trump ee dooda dhaliyay halkan ka aqri.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Ka dib markii ay bateen farriimaha lagu dalbanayo in qoraalkan la tirtiro, Twitter waxay sheegtay: "Qaarkiin waxay na waydiinayeen sababta aynaan u dejin qoraalkan".

"Waxaan masuul ka nahay dhammaan shuruucda, waana tixgelineynaa dhowr arrimood iyo qiimeyn lagu sameeyo qoraalka in uu jebinayo xeerarkeena".

"Waxyaabaha la eegayo waxaa ka mid ah 'qiimaha warka' iyo in qoraalka uu yahay mid dadka ay danaynayaan. Kaasi wuxuu ahaan xeer gudaha ah, si degdeg ahna waan u soo bandhigi doonnaa si dadka ay u arkaan," ayey tiri shirkadda Twitter.

Dhowaanahan, shuruucda qaar waxaa ka mid ah in macaamiisha "aysan handadaad u qaadan farriimaha dhiiragelinaya rabshadaha, sida handadaadda ah ama buunbuuninaya argagixisada".

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa madaxweyne Trump ku eedeeyay in uu dagaal ku dhawaaqay ka dib farriinta uu Twitter-ka geliyay.

Balse maamulka Washington ayaa sheegay in arrinta noocaas ah aysan "macquul ahayn".