Carruurta Sri Lanka oo si sharcidarro ah looga ganacsaday

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xukuumadda Sri Lanka ayaa qiratay warbixin ay diyaarisay Netherlands oo sheegaysa in kumannaan carruur ah oo dalkaas ku dhalatay si sharci darro ah loo gaday iyadoo korsasho ahaan dibadaha loola aaday 1980-yadii.
Ilaa 11,000 oo carruur ah ayaa laga gaday qoysas reer Yurub ah, iyadoo labada dhinacba la siiyay dokumantiyo khalad ah.
Qaarkood ayaa la sheegay in ay ku dhasheen meelo lagu dhalo carruurta oo reer Yurub lagaga iibiyo.
Wasiirka caafimaadka ee Sri Lanka ayaa barnaamijka Zembla ee Netherlands ka baxa u sheegay xarun DNA oo carruurta ka caawisa in ay helaan hooyooyinkii dhalay.

Ilaa 4,000 oo carruur ah ayaa loo malaynayaa in ay gacanta u galeen qoysas reer Netherlands ah, iyadoo kuwo kalana ay ku dambeeyay dalal Yurub ku yaalla oo ay ka mid yihiin Sweden, Denmark, Germany iyo UK.
Rowan van Veelen oo carruurta la korsaday ka mid ah ayaa BBC-da u sheegay in uu dib ugu laabtay Siri Lanka si uu isugu dayo in uu hooyadii soo helo 27 sano ka dib.
Wuxuu qayb ka yahay shabakad Facebook oo fadhigeedu yahay Netherlands kuwaas oo isku daya in ay carruurta Sri Lankan u raadiyaan hooyooyinkii dhalay.







