Tirada Dhimashada Dhulgariirkii Mexico oo korodhay

Burburka dhulgariirka uu gaystay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Burburka dhulgariirka uu gaystay

Waxaa koradhay tirada dadkii ku dhintay Dhulgariirkii ka dhacay dalka Mexico.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa muujinaya in ugu yaraan 90 qof ay ku dhinteen dhulgariirka sida ay sheegeen saraakiisha Mexico.

Afhayeen u hadlay dowlada Mexico ayaa sheegay in 71 qof ay ku dhinteen gobolka Oaxaca oo kali ah.

Boqolaal qoys ayaa wali ku sugan wadooyiinka iyaga oo wali qaba cabsidii uu ku reebay dhulgariirka.

Dhulgariirka ku dhuftay dalka Mexico ayaa ahaa kii ugu xumaa oo dalkaasi soo mara muddo qarni ah.

Dhulgariirka xoogiisa ayaa ku dhuftay magaalada ku taalla Koonfurta dalkaasi ee Juchitan.