Dalabka ciidda oo halis ku haya wabiyada

Waxaa kor usii kacaya dhismaha guryaha iyo mashaariicda kala duwan ee kaabayaasha dhaqaale sida waddooyinka iyo buundooyinka ee Afrika ka socda, taas waxa ay ka dhigantahay in loo baahanyahay shub iyo shamiindo badan.
Si shub iyo shamiindo loo sameeyo, waxaa loo baahanyahay carro badan, sidaasi darteed waxaa aad u kordhaya carrada laga qodayo wabiyaha guntooda iyo hareerahooda, taas oo halis weyn galinaysa sii jiritaanka wabiyaha sida uu warbixintan ku eegayo Harriet Constable oo Kenya tagay.
Ereyga carro waxa uu kusoo xusuusinayaa damaashaadkii fasaxaada, markii aad aqalada iyo qalcadaha ka samaynay jirtay dhoobada , markii aad inta god weyn qoto aad ku dhuuman jirtay, kadibna aad dadka oga soo boodi jirtay si aad oga nixiso.

Haddii lagugu yiraahdo ciidda adduunka waa ay kusii yaraanaysaa waxaa laga yaabaa in aad la yaabtid, balse marka aad u fiirsatid wax kasta oo agagaarkaaga ah, waxa ay u badantahay in ciid laga sameeyay, xitaa dhalooyinka, waxaadna ogaanaysaa in ay wax ka jiri karto dooddaas.
Bilyan iyo bilyan tan oo carrada ah ayaa daafaha adduunka laga isticmaalaa , iyada oo warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ay ku sheegtay in sanadkii 2012-kii oo kaliya ciidda adduunka laga isticmaalay lagu dhisi karay darbi dherarkiisu dhanyahay 27 mitir, balacana dhanyahay 27mitir oo la mariyo dhulbaraha adduunka oo dhan.
Uma baahnid in aad xeebta aaddo si aad ciid ugu galaangalato, sababtoo ah dhismayaasha kugu xeeran oo dhan ciid ayay ka samaysanyihiin.
Ciidda lagu sameeyo dhismayaasha waxaa inta badan laga soo guraa wabiyaha guntooda iyo waliba xeebaha, waxaana la ogaaday in ciidda saxaraha ee tirada badan aysan u qalmin in dhismo laga sameeyo.
Tusaale ahaan magaalada Dubai, ciidda lagu dhiso dabaqyadaasi dhaadheer ayaa waxaa laga soo daabulaa dalka Australia kadib markii xeebaha Imaaraadka laga dhameeyay ciiddii inta baddan.
Xusuuso Dubai waa magaalo ka dul dhisan buuro ciid ah, balse ciiddaas waa tan saxaraha oo aanan ku habboonayn in dhismayaal laga sameeyo.
Marka si kale loo dhigo, ciidda waxa ay noqotay badeeco qaali ah oo laga iibiyo Carabta.

Inkasta oo wax iska caadi ay kuula muuqan karto, haddane dalabka sii kordhaya ee carrada ayaa dhibaato ku ah nolosha dadka, waxaana la luminayaa habka dabiiciga ah ee nolosha u qaabaysantahay, mararka qaarkood waxaa ka dhasha dhimasho.
Dalka Hindiya oo kale waxaa soo shaac baxay suuq madoow oo ciidda lagu iibiyo, waxaana maamula kooxo maafiyo ah oo rabshad iyo xoog hawsha ku wadda.
Dalka Shiinaha harada ugu weyn ee laga helo biyaha nadiifka ah ee Poyan Lake ayaa lagu soo waramayaa in ay sii gureyso, sababtuna waa ciidda laga daldalayo maalin kasta. Boqolaal dadka deegaanka ayaa ku tiirsan kalluunka haradan ku nool, sidoo kale waxaa ku nool kumanaan shimbirood.

Dalka Kenya ciidda laga qodo wabiyaha sida degmooyinka faqiirka ah sida Mukueni oo kale ayaa bulshooyinka halkaas ku nool ku kalifa in ay waayaan biyo ku filan.
Tirada dadka ku nool Kenya oo la qiyaasayo in ay labo jibaaranto 40ka sano ee soo socda, ayaa waxaa aad muhiim u ah in la helo kaabayaasha dhaqaale sida qadka tareenka cusub. Balse si kaabayaashaasi loo dhiso waxaa loo baahanyahay malaayiin tan oo ciid ah.
Dhulka xeebta ah iyo wabiyada Kenya ayaa waxaa laga guray ciid aad u badan sanadihii dhawaa, balse saamaynta waxa ay ugu badantahay degmada Makueni.
Degmadan waxaa ku yaala wabiyo biyo keena xili roobaadka, biyahaasi oo uu dhulka liqo, waxaana dhacda in xiliga jiilaalka ah ay dadka qotaan gunta wabiga, halkaas oo ay biyo uga soo maaxdaan. Balse tan iyo intii la bilaabay in ciid laga guro, waxaa loo tagay dhagxaan, mana jirto ciid biyaha kaydisa si loogu baxsado xiliga jiilaalka ah.

Waxaan booqday wabiga lagu magacaabo Kilome ee degmada Makueni, halkaas oo gabiga wabiga ciid badan laga qoday illaa 10 mitir, waxaana xitaa muuqda xiddidada geedaha, waxaa kale oo soo baxay dhagxaantii dhulka hoostiisa ahayd.

Dadka ciidda waxa ay u tahay nolol, kuwa kalana waxa ay u tahay macaash lacageed, meelaha dadka fuqurada ay ku noolyihiin waxa ay lacag darteed u samayn karaan waa wax aad kuu argagax galinaya.
Sargaal booliiska ah oo deegaankaas ka hawlgala, laguna magacaabo Geoffrey Kasyoki waxa uu caan ku ahaa la dagaalanka ciidda dhulka laga gurayo, balse bishii Feberaayo ee sannadkii 2011-kii ayaa waxaa jidka u galay koox dhalinyaro ah , kuwaas oo falaar sumaysan madaxa kaga dhuftay. Weerarkaas ayuuna u dhintay.

Irene, oo ah xaaskii uu ka dhintay oo dul taagan qabrigiisa ayaa tiri "waxaa loo dilay si fariin loogu diray bulshada, taasoo ahayd ha isku dayin in aan na hor istaagto".
Waxa aad meesha ku adkaysaa dad badan oo ciidda qodaya iyo baabuur daabulaysa. Waxaadna isweeydiinaysaa in ciidda ay mar noqon doonto wax ciriiri gala.











