Fallaagada Colombia oo dishay 'nin Ruush ah oo ay haysteen'

Yerson, waa hogaamiyaha fallaagada (ELN), waxa uu la waqooyi galbeed ee Colombia ugu warramay wakaaladda wararka ee Reuters, August 30, 2017

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Fallaagada ELN ayaa waxaa la aasaasay 1964 iyadgoo ka shidaal qaadanaya kacaankii Cuba

Fallaagada Colombia ee magacooda loo soo gaabiyo ELN ayaa sheegtay inay dishay Arsen Voskanyan oo u dhashay dalka Ruushka kaddib markii uu isku dayay inuu baxsado, ninkan ayey fallaagadu gacanta ku haysay muddo lix bilood ah.

Fallaagada ayaa sheegtay in Arsen Voskanyan, oo ah muwaadin u dhashay dalka Ruusha asal ahaanna ka soo jeeda Armenia toogashu lagu dilay bishii Arbiil ee aynu ka soo gudubnay.

Fallaagada ayaa sheegtay in nin la afduubtay bishii Nofeembar, iyadoo markaas ku eedaysay inuu aruursanayay rah oo uu dibadda u qarsoodi ugu dhoofin rabay.

Fallaagada ayaa waxa ay wadahadal nabadeed kula jirtaa dowladda Colombia, hasayeeshee waxa ay ka gaabinayaan in mustaqbalka dhaw ay joojiyaan siyaasaddooda afduubka.

Fallaagada ELN ayaa howlgallada ay fuliso waxa ay badanaa ku maalgelisaa lacagaha madax furashada ah ee ay ka hesho marka ay sii dayso dad ay afduub ku haysatay.