Sawirradii todobaadka ee Afrika: 18 - 24 August 2017
Waxaa laga soo xulay sawirradii ugu fiicnaa ee laga qaado Afrika iyo Afrikaanka dunida kale todobaadka.
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Waa Sawir la qaaday 19 August, 2017 oo muujinaya haweeney qabta dhar midabbo leh intii laguguda jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival oo ka dhacay James town, Accra.
Gabar Accra kaga qayb galaysa dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival.
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Sawirkan waxaa la qaaday August 19, 2017, waxaana ka muuqda kooxda qalaama rogadka oo dhoollatus samaynaya intii lagu jiray dabbaaldegga sannadlaha ah ee Chale Wote Street Art Festival
Boqollaal isugu jira kooxaha qalaama rogadka, qoob ka cayaarka iyo kuwa dadka ka qosliya ayaa ka qayb galay dabbaal degga.
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dumar isku marxabbaynaya meel u dhow far waaweyn oo marka la akhriyo noqonaysa "Jollof", waa cunno laga jecel yahay Nayjeeriya iyo galbeedka Afrika, waana intii lagu jiray dabaaldegga bariiska Jollof 20 August 2017.
Xafladda ayaa lagu soo bandhigaa qoob ka cayaar, waxayna dadka cunnada jecel dhadhamiyaan Jollof.
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Taareerayaasha Joao Lourenco (ma muuqdo), murashaxa xisbiga MPLA oo qaylinaya intii lagu jiray ololaha doorashada Angola. Waxay ka qayb galayaan isu soo bax ka dhacay Luanda 19 August 2017.
Murashaxa MPLA waxa aad loogu saadaaliyey inuu noqonayo madaxweynaha xiga ee Angola, ka dib markiiuu Jose Eduardo dos Santos go'aansaday inuu xukunka ka dego, 38 sano oo uu dalkaas xukumayey ka dib. '
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Isaias Samakuva (halkan kama muuqdo), oo ah murashaxa UNITA ayaa kor u haya diiq madow taasoo ah astaanta Xisbiga.
Maalintii xigtay ayaa taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka waxay la yimaadeen diiq madow oo astaan u ah xisbigooda UNITA.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo ka tirsan isbahaysiga NASA oo ku banaanbaxaya dibadda maxkamadda sare ee Nairobi, August 18, 2017.
Mucaaradku waxay boolisku ku eedeeyeen inay adeegsadeen awood xad dhaaf ah mar ay kala eryayeen dad mudaaharaadayey. Boolisku arrintaas waa beeniyey.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Nayjeeriya Muhammadu Buhari oo garoonka dayaaradaha ee Abuja ay ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah barasaabyada gobollada Nayjeeriya August 19, 2017, ka dib mafkii uu ka soo noqday safar caafimaad.
Qoraalka sawirka, Dad mudaaharaadaya oo sita boor ay ku diiddan yihiin argagixisada, bartamaha magaalada Ouagadougou, August 19, 2017, ka dib weerar dhawaan ka dhacay halkaas oo 18 qof ay ku dhinteen.
Dadka mudaaharaadayey ayaa ka cabanayey dilka 18qof oo qof jihaad doon ah uu ku dilay makhaayad laga cuno cunnada Turkiga.
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Sawirkan waxaa la qaaday August 15, 2017, waxaana ka muuqda carruur ku dheelaysa biyaha wabiga Chari ee magaalada N"Djamena, oo xarun u ah Chad.
Sawirkan waxaa la qaaday August 15, 2017, waxaana ka muuqda carruur ku dheelaysa biyaha wabiga Chari ee magaalada N"Djamena, oo xarun u ah Chad. Waa meel aan ka fogayn xuduudda Kaameruun.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Waalidiin Masaari ah oo ilmo aad u yar baraya sida loo dabaasho, taasoo ah waxa ugu horreeya ee ilmaha lagu baro iskuul ku yaalla Qaahira oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah. Sawirka waxaa qaaday August 15, 2017, Amr Abdallah Dalsh oo ka tirsan Reuters.