Lukaku waxa uu ku biirayaa kooxda Manchester United

Xigashada Sawirka, PA
Weerar Romelu Lukaku ayaa lagu wadaa inuu maro baaritaan caafimaad oo kooxda Manchester United uu ugu biirayo.
Ciyaaryahankan oo laga soo iibsaday kooxda Everton ayaa waxaa lagu heshiiyey lacag gaaraysa 75 milyan oo gini.
Lukaku waxaa horay isaga iibisay kooxda Chelsea oo ka gaday Everton, berigaasina waxaa Chelsea macalin ka ahaa Jose Mourinho.

Xigashada Sawirka, @paulpogba
Lukaku ayaa lagu wadaa inuu kooxda Manchester United kala qayb galo ciyaaraha ay Maraykanka u aadayaan.
Romelu Lukaku waxa uu u dhashay dalka Biljimka waxaana lagu tilmaamaa weeraryahanada ugu qatarsan tartanka England.
Tartanka kubada cagta ee England ayaa lagu wadaa inuu bilowdo bisha Augast ee sanadkan.






