Mareykanka: Haweenay loo xiray dusinta macluumaad sir ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Haweenay u shaqaynaysay dawladda Maraykanka ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu warbaahinta ay u dusiyay macluumaad sir ah.
Reality Leigh Winner, oo 25 sano jir ah ayaa la sheegay in macluumaad sir ah ay ka saartay xarun ay leedahay dowladda oo ku taalla gobolka Georgia.
Dacwadan ayaa la shaaciyay waxyar uun ka dib markii uu website daabacay macluumaad ay leedahay Hay'adda Ammaanka Qaranka ee Maraykanka kuwaas oo faahfaahin ka bixinaya isku dayadii Ruushka ee ku saabsanaa in ay farogaliyeen doorashadii madaxtinnimada ee sannadkii hore ka dhacday Maraykanka.
Wararka warbaahinta ayaa tilmaamaya in haweenaydaasi oo la yiraahdo Reality Winner ay u shaqenaysay hay'adda amniga qaran ee Maraykanka, gaar ahaan ka shaqenaysay gobolka Georgia tan iyo bishii Febraayo.

Xigashada Sawirka, Reuters
Hay'adda dambi baarista ee Maraykanka ee FBI-da iyo dhowr guddi oo Kongareeska ah ayaa wada baaritaanno iyo sheegasho la xiriirta in Ruushka uu faragelin ku sameeyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore. Madaxweyne Donald Trump ayaa beeneeyey eedeyntaasi.






