Isu soo bax Roob doon ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan roob doon iyo Alla bari. Roobdoontan ayaa imanaysa xilli abaar ba'an oo saameysay dad iyo duunyaba ay weli ka taagan tahay guud ahaan dalka.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho kaga qeybgalay roobdoonta.
Ra'iisal Wasaaraha oo shacabka la hadlay salaada kadib, ayaa ku baaqay in la is cafiyo isagoo Illaah ka baryay inuu shacabka ka dulqaado abaarta.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in abaartu ay tahay masiibo qaran, waxa uuna dalbaday kaalmo caalami ah.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale codsatay in 4 bilyan oo dollay oo loogu gurmado dalal afar ah oo ay Soomaaliya ku jirto.
Hay'adaha gargaarka waxay qiyaasayaan in 5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin in si degdeg ah cunto loo gaarsiiyo.











