Taageerayaasha PSG oo weeraray ciyaartoyda

Xigashada Sawirka, .
Kooxda Paris St-Germain ayaa sheegay in booliisku uu wado baaritaan ka dib markii taageereyaal caraysan oo ku sugan garoonka Bourget Airport ay soo weerareen ciyaartoyda, arrintan oo dhacday markii ay Barcelona ka soo reebtay horyaalka Yurub ee Champions League.
Kooxdan oo haysata horyaalka Inaagiriiska ayaa ka soo duulay Catalonia ka dib markii lagaga soo badiyay 6-1, taas oo waxba kama jiraan ka dhigtay badintii is araggii koobaad ee ay 4-0ta ku badiyeen.
Taageereyaasha ayaa caayay ciyaartoyda waxyeelana gaarsiiyay gawaaridooda sida ay kooxdu sheegtay.
Kooxda PSG waxaa kale oo ay sheegtay in hal ruux lagu dhuftay gaari intii xaaladdaas lagu gudo jiray.
Kooxdu waxay sheegtay "in iyada iyo dadkii kale ee joogayba ay diyaar u yihiin in ay gacan siiyaan baaritaannada la wado si looga sal gaaro dhacdadan ay tahay in laga shalaayo".






