Barcelona oo si layaableh uga badisay PSG

Sergi Roberto ayaa soo galay qaybta dambe ee ciyaarta isaga oo dhaliyay goosha guusha oo ah tii koobaad ee xilli ciyaareedkan uu dhaliyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sergi Roberto ayaa soo galay qaybta dambe ee ciyaarta isaga oo dhaliyay goosha guusha oo ah tii koobaad ee xilli ciyaareedkan uu dhaliyo

Barcelona ayaa xalay taariikh cusub ka samaysay Horyaalka Yurub ee Champions League iyada oo noqotay kooxdii u horaysay ee ka soo kabata ciyaar is aragii koobaad lagaga badiyay 4 iyo 0.

Arrintaas ayaana horseeday in ay khadka ka saaraan Paris St-Germain waxayna hadda ka mid noqdeen siddeeda kooxood ee isugu soo haray koobka Champions League, waana markii tobnaad ee xiriir ah ee ay wareegan gaaraan.

Kooxdan haysata horyaalka Spain ayaa markii ay ciyaartu maraysay 88 daqiiqo lagu lahaa 5 gool halka ay iyaguna 3 ka lahaayeen waa marka la isku daro goolasha labada kulanba, balse saddex gool ayay dhaliyeen todobadii daqiiqo ee ciyaarta ugu dambaysay, ciyaartan oo ka mid noqotay iska hor imaadyadii ugu wanaagsanaa ee dhexmara kooxaha qaaradda Yurub.

Laad xor ah iyo rigoore uu dhaliyay Neymar waxaa dabo socday gool uu dhaliyay Sergi Roberto daqiiqadii 95naad, kaas oo hoosta ka xariiqay guushii cajiibka ahayd ee garoonka Nou Camp.

Barcelona ayaa ciyaarta oo saddex daqiiqo socota hogaanka qabatay ka dib markii uu gool madaxa ku dhaliyay Luis Suarez, gooshii labaadna waxaa kooxdiisa ka dhaliyay Layvin Kurzawa.

Garoonka Nou Camp waxaa ku sugnaa ku dhawaad 100,000 oo taageereyaal ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Garoonka Nou Camp waxaa ku sugnaa ku dhawaad 100,000 oo taageereyaal ah

Wax yar uun ka dib markii la isugu soo noqday qaybtii labaadna gool saddexaad ayay la yimaadeen ka dib markii Thomas Meunier uu ku dhacay Neymar, rigoore loo dhigayna waxaa gool u badalay Lionel Messi.

Edinson Cavani ayaa kooxdiisa PSG u dhaliyay halkii gool ee kali ahaa ee ay la yimaadeen daqiiqadii lixdan iyo koobaad.

Tababaraha Barcelona, Luis Enrique oo kooxda ka tagaya marka uu xilli ciyaareedkan dhamaado ayaa la dabaaldagay ciyaartoydiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tababaraha Barcelona, Luis Enrique oo kooxda ka tagaya marka uu xilli ciyaareedkan dhamaado ayaa la dabaaldagay ciyaartoydiisa
Edinson Cavani ayaa 37 gool u dhaliyay kooxda PSG, 36 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Edinson Cavani ayaa 37 gool u dhaliyay kooxda PSG, 36 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkan