Dabley lix ruux ku dishay Boosaaso

Dabley hubaysan ayaa aroornimadii saaka weeraray hoteel ku yaalla magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.
Dableyda ayaa doonayay inay gudaha u galaan hotelka Village, balse waxaa difaacay ilaalada hoteelka.
Isugeyn lix qof ayaa weerarkaasi ku dhintay sida ay maamulka u xaqiijiyeen BBC-da.
Hoteel Village wuxuu caan ku yahay oo dega dadka ajaanibta ah.
Puntland waxaa weeraro kala duwan ka geysta malayshiyaad taabacsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo Alshabaab.






