Madaxweynaha Gambia oo la dhaariyay

Xigashada Sawirka, RTS
Madaxwynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa lagu dhaariyay safaarada Gambia ee Dakar ee Senegal.
Qudbadiisii ayuu Madaxweyne Barrow ka codsaday urur goboleedka Galbeedka Afrika, ECOWAS iyo Qaramada Midoobay inay taageeraan waxa ay doonayaan dadka reer Gambia.
Wuxuu sidoo kale ku dhiiri galiyay ciidamada Gambia inay joogaan xeradooda, wuxuuna sheegay kuwa aan joogin xerada in loo arki doonomucaarad.
Dhaarinta madaxweynaha ayaa lagu qabtay magaalada Dakar ee Senegal, kadib markii madaxweynihii hore ee Yahye Jammeh uu diiday inuu xilka ka dego kadib markii laga guulaystay.
Urur goboleedka Galbeedka Afrika ayaa ciidamo u soo diray xadduuda si ay cadaadis u saaraan Mr Jammeh.






