Dad Imaaraadka Carabta u dhashay oo Afghanistan lagu laayay

Xigashada Sawirka, EPA/KANDAHAR GOV OFFICE
Shan ruux oo ah shaqaale gargaar oo u dhashay Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhintay weerar bam oo ka dhacay magaalada Kandahar ee dalka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil.
Qaraxu wuxuu Talaadadii ka dhacay guriga martida ee Gafarnatooraha magaalada Gandahaar halkaas oo ay dad kalana ku dhinteen.
Gafarnatooraha iyo safiirka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dad badan oo ku dhaawacmay qaraxa.
Gudoomiye ku xigeenka Gandahaar ayaa la sheegay in uu maanta oo Arboco ah u dhintay dhaawacyadii ka soo gaaray qaraxa.
Qaraxaasi wuxuu ka mid ahaa dhawr qarax oo Afghanistan ka dhacay Talaadadii.
Ururka Taalibaan ayaa sheegtay weerarrada ka dhacay magaalada Kabul iyo gobolka Helmand laakiin way diideen weerarka Kandahar. Waxayna ku eedeeyeen "qolo ay gudaha dalkaas isku hayaan"
Wakaaladda wararka Tolo ee dalka Afghanistan ayaa soo xigatay qaar ka mid ah dadkii badbaaday oo sheegay in bamka lagu hoos qariyay kuraasta lagu fadriisyo ee taalay guriga martida.






