Ruushka oo baareyaal u diray Turkiga

Qoraalka Muuqaalka, Ruushka oo baareyaal u diray Turkiga

Dawladda Ruushka ayaa baareyaal u dirtay dalka Turkiga ka dib markii nin booliis ah uu dilay danjirihii Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara.

Mevlut Mert Aydintas ayaa toogtay Andrei Karlov oo khudbad jeedinaya Isniintii, iyadoo ay u muuqatay in ninkaasi uu diidanaa faragalinta Ruushka ee arrimaha magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Ma cadda in wiilkan 22 jirka ah ee ka tirsanaa booliiska rabshadaha ka hortaga in uu wax calaaqaad ah la lahaa urur.

Markii dambe ayaa isagana toogasho lagu dilay.

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkan looga gol'lahaa in lagu dhaawaco calaaqaadka ay Ruushka la leeleeyihiin.

Arrintan ayaa timid maalin uun ka dib markii uu dhacay mudaaharaad lagu diidanaa taageerada uu Ruushku siiyo madaxwaynaha Suuriya Bashar Al-Asad.

Erdogan ayaa taleefan kula hadlay madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin, fariin muuqaal ah oo uu soo duubayna Erdogan wuxuu ku sheegay in labadooduba ay ku heshiiyeen in arrintani aysan ahayn "daandaansi".

Wuxuuna intaas ku daray in dadka doonaya in ay xumeeyeen calaaqaadka labada dal "in aysan u suurtagali doonin".

Andrei Karlov oo khudbad jeedinaya waxaana dilay ninka garabkiisa ka muuqda

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Andrei Karlov oo khudbad jeedinaya waxaana dilay ninka garabkiisa ka muuqda
Ninka weerarka gaystay wuxuu ku qaylyayay Xalab iyo Suuriya

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Ninka weerarka gaystay wuxuu ku qaylyayay Xalab iyo Suuriya