Kuraasta 11 xildhibaan ayaa dib loogu celiyay maamul goboleedyada

kuraasta la laalay ayaa dib loogu noqon doonaa
Qoraalka sawirka, Doorashada kuraasta la laalay ayaa dib loogu noqon doonaa

Wararka hadda ka imaanaya Soomaaliya waxay sheegayaan in guddiga xallinta khilaafaad ka uu laalay 11 kursi oo lagu muran sanaa.

Kuraasta dib loo celiyay waxa ay ka kala yimaadeen dhammaan maamul goboleedyada dalka.

Kuraasta shan ka mid ah waxaa laga soo doortay magaalada Baydhabo, Puntland iyo Hirshabelle waxaa lagu celiyay min labo kursi.

Maamul goboleedyada Jubaland iyo Galmudugna waxaa lagu celiyay min hal kursi.

Lama cadeynin sababta rasmiga ah ee kuraastaasi dib loogu celiyay maamul goboleedyada.

Arrintan ayaa waxay imaaneysaa iyadoo Muqdisho aygaaraya xildhibaanadii ku soo baxay doorashooyiinkii dhowaanahan ka socday dalka.

Waxaa la filayaa in beri la dhaariyo xildhibaanadaasi cusub ee Soomaaliya.

Balse, waxaa la sheegayaa in meelaha qaar weli ay ka jiraan dood iyo khilaafaad ka dhashay doorashda.