Falanqayn: Dib u Dhaca Doorashada Soomaaliya
Waxaa soo baxaya aragtiyo kala geddisan oo ku aaddan hadalkii ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen Guddiga doorashada dadban ee heer federaal ee Soomaaliya, kaasi oo ay dib ugu dhigeen doorashooyinka dadban ee la filayay inay bisha Oktoobar ka qabsoomaan Soomaaliya.
Haddaba Yaa qaadaya mas'uuliyadda doorashadii Soomaaliya ee markii labaad dib loo dhigay?
Su'aashaas iyo kuwa kale ayuu Cabdifataax Ibraahim Cagayare hordhigay abuukaate Zakariye Yuusuf oo arrimaha siyaasadda Geeska Afrika u faaqida Kooxda Xasaradaha Caalamka ee ICG.