TOOS, Iraan oo qarka u saaran in ay hesho gaantaalada lidka maraakiibta ee Shiinaha

Iiraan ayaa ku dhow inay heshiis la gasho Shiinaha si ay uga iibsato gantaallo lid ku ah maraakiibta.

Kooban

Tebin toos ah

Abdishukri Haybe

  1. Ciidamada lugta ee Ilaalada Kacaanka Iiraan oo dhoolatus sameeyay

    Iraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada lugta ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa qabtay dhoolatus ciidan oo ka dhacay xeebta koonfureed ee dalka, sida uu telefishinka dawladda sheegay maalinimadan Talaadada, xilli Maraykanku ka fiirsanayo suurtagalnimada duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

  2. War deg deg ah, Iraan oo qarka u saaran gaantaalada lidka maraakiibta ee Shiinaha

    Gantaalka Shiinaha ee CM‑302

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gantaalka Shiinaha ee CM‑302

    Iiraan ayaa ku dhow inay heshiis la gasho Shiinaha si ay uga iibsato gantaallo lid ku ah maraakiibta, sida ay sheegeen lix qof oo xog ogaal u ah wadaxaajoodyada, xilli Maraykanku uu ciidamo badeed oo aad u badan ku daad-gureynayo meel u dhow xeebaha Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo weerarro suurtagal ah oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Heshiiska gantaallada CM 302 ee Shiinuhu sameeyo ayaa maraya heer gabagabo ah, inkastoo aan weli lagu heshiin taariikhda la keenayo, ayay sheegeen ilahaasi. Gantaalladan xawaare sare ku socda waxay gaari karaan masaafo ku dhow 290 kiiloomitir, waxaana loo naqshadeeyay inay ka dhuuntaan difaacyada maraakiibta iyagoo si hoose oo degdeg ah u duulaya. Haddii la hawlgeliyo, waxay si weyn u kordhin doonaan awoodda weerar ee Iiraan, isla markaana khatar ku noqon doonaan ciidamada badda ee Maraykanka ee gobolka, sida ay sheegeen laba khabiir oo hubka ah.

    Wadaxaajoodyada Shiinaha ee ku saabsan iibsiga nidaamyada gantaallada, oo bilaabmay ugu yaraan laba sano ka hor, ayaa si weyn u dardar galay kadib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Iiraan bishii Juun, sida ay sheegeen lixda qof ee xog ogaalka ah, oo ay ku jiraan saddex sarkaal oo ay dowladda Iiraan xog siisay iyo saddex sarkaal oo amni. Markii wadaxaajoodyadu gaareen heerarkoodii ugu dambeeyay xagaagii hore, saraakiil sare oo milatari iyo kuwo dowladeed oo Iiraaniyiin ah ayaa u safray Shiinaha, oo uu ku jiro ku-xigeenka wasiirka gaashaandhigga Iiraan, Massoud Oraei, sida ay sheegeen laba ka mid ah saraakiisha amniga. Safarka Oraei hore looma soo sheegin.

    “Haddii Iiraan hesho awood ay maraakiibta ku weerarto gantaallo xawaare sare leh, arrintu gebi ahaanba way beddeli doontaa ciyaarta,” ayuu yidhi Danny Citrinowicz, oo hore uga tirsanaa sirdoonka Israa’iil haddana ah cilmi-baare sare oo ku takhasusay arrimaha Iiraan. “Gantaalladan aad bay u adag tahay in la qabto ama la joojiyo.”

    Reuters ma ogaan karin tirada gantaallada ku jira heshiiska suurtagalka ah, lacagta ay Iiraan oggolaatay inay bixiso, ama in Shiinuhu sii wadi doono heshiiska iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso.

    “Sannadihii la soo dhaafay, Iiraan waxay la leedahay heshiisyo milatari iyo kuwo amni saaxiibbadeeda, waana waqtigii ku habboonaa in laga faa’iideysto heshiisyadaas,” ayuu sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan u sheegay Reuters.

    Wafdiga Shiinaha ee Qaramada Midoobay ayaa Reuters u sheegay inay faallo ka raadiyaan wasaaradda arrimaha dibadda ee Beijing. Wasaaradaha arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga Shiinaha kama aysan jawaabin codsiyada faallo. Aqalka Cad si toos ah ugama jawaabin su’aal ku saabsan wadaxaajoodyada u dhexeeya Iiraan iyo Shiinaha ee ku saabsan nidaamka gantaallada.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad u sheegay in “ama aan heshiis gaari doonno ama aan qaadi doonno tallaabo aad uga adag sidii hore,” sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad, isagoo tixraacaya ismariwaaga hadda u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

  3. Dalka Afrika dhaca ee wasiiradda maaliyaddu shaqada ku waarin maxaa sabab u ah?

    Bak Barnaba Chol

    Xigashada Sawirka, Google

    Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Maaliyadda Bak Barnaba Chol isbeddel maamul oo lagu shaaciyay telefishinka qaranka fiidkii Isniinta.

    Chol waxaa xilka loo magacaabay bishii Nofeembar kadib markii madaxweynuhu xilka ka qaaday Athian Diing Athian laba bilood oo keliya kadib magacaabistiisii. Kiir wuxuu u magacaabay Salvatore Garang, oo ah dhaqaaleyahan wax ku bartay Jaamacadda Khartuum ee Suudaan, inuu noqdo wasiirka cusub ee maaliyadda.

    Garang wuxuu hore u soo noqday wasiirka maaliyadda intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2020, xilli lagu tilmaamay dib-u-habayn dhaqaale iyo culaysyo maaliyadeed. Intii uu xilka hayay markii ugu horreysay, warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Garang loo jeediyay eedeymo musuqmaasuq, oo ay ku jirto inuu $100,000 u qoondeeyay kharashka aaska wiilkiisa. Isagu kama uusan hadlin eedeymahaas.

    Wareegtadu waxay sidoo kale xilka ka qaaday mas’uuliyiin kale oo sar-sare, oo uu ku jiro guddoomiyaha guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka, taasoo qayb ka ah isbeddellada maamul ee ballaadhan.

    Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in Kiir si joogto ah u sameeyo isbeddello ku saabsan derajooyinka milatariga iyo dowladda si uu u ilaashado xukunkiisa, isagoo wajahaya dagaal hubeysan iyo hadal hayn ku saabsan cidda mustaqbalka beddeli doonta.

    Lama sheegin sababta keentay isbeddelkan oo ah kii sagaalaad ee wasiirka maaliyadda tan iyo 2020

  4. Dad Kenyan ah khiyaamana lagu geeyay Cambodia oo iyagoo xaalad adag ku sugan ka codsanaya dowladooda in dalka lagusoo celiyo

    Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters In ka badan 600 oo Kenyan ah oo lagu khiyaaneeyay balan qaad been ah in ay shaqooyin ka helayaan Cambodia ayaa sheegay in lagu haysto si ka baxsan rabitaankooda qorshe tahriibin ah awgiis. Waxayna raadinayaan go’aan maxkameed oo ku khasba dowladda Kenya in dalka lagusoo celiyo.

    Dukumiintiyada laga gudbiyay Maxkamadda Sare ee Kenya Isniintii ayaa sheegaya in muwaadiniinta Kenyan-ka lagu hayay xarun si adag loo ilaaliyo oo ay ku wareegsanyahiin derbiyo dhaadheer iyo silig qodxo leh si looga hortago inay baxsadaan.

    Waxaa lagu khasbay inay si joogto ah u shaqeeyaan 16 saacadood si ay u gaadhaan yoolal aad u adag, iyadoo dhowr ka mid ahna la tooriyeeyay isla markaana ay yeesheen dhaawacyo aan la daaweyn, sida ku xusan dukumiintiyada maxkamadda.

    Dukumiintiyadu ma sheegin in Kenyan-ku ka shaqeynayeen xarun khiyaano, sida kuwa ay maamulada Cambodia toddobaadyadii u dambeeyay tallaabo ka qaadeen. Xarumahan, oo loo adeegsado khiyaanooyin dhanka internet, ayaa si weyn ugu batay Koonfurta-bari ee Aasiya sannadihii la soo dhaafay.

    Dukumiintiyadu waxay sheegayaan in markii ay maamulada Cambodia weerareen xarunta, kuwii haystay ay baxsadeen. Kooxdu waxay sheegtay in ay “hadda ku dhibaateysan yihiin xarun gabaad ah oo taalla Cambodia”, iyagoo aan haysan cunto ku filan isla markaana u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

    Dukumiintiyada maxkamaddu waxay sidoo kale sheegayaan in maamulada Cambodia ay u sheegeen kooxda Kenyan-ka ah inay dalka ka baxaan ugu dambayn 28-ka Febraayo 2026, haddii kale ay wajihi doonaan tallaabo sharci iyo xabsi. Kooxdu waxay sheegtay inaysan awoodin kharashka tigidhada diyaaradeed ee ay ugu laabanayaan Kenya.

  5. Hogaamiyaha Iiraan oo shaaciyay cidda beddelaysa hadii la dilo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in Iran ay soo bandhigayso "tanaasulaadyo cusub" oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka si ay heshiis ula gaarto Mareykanka, loogana qaado cunaqabateynta dhaqaale iyo in la aqoonsado xaqa ay Tehran u leedahay "kobcinta nukliyeer si nabad ah loo adeegsado."

    Reuters ayaa soo xigatay sarkaal sare oo Iran u dhashay oo sheegay in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin, xitaa marka laga hadlayo baaxadda iyo hab-raaca lagu fududeynayo cunaqabateynta adag ee Mareykanka.

    Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Cumaan, oo door dhexdhexaadin ah ka ciyaaraysa wadaxaajoodka labada dhinac, ay xaqiijisay in wareeg cusub oo wadahadallo ah lagu qaban doono Geneva Khamiista soo socota.

    Sarkaalku wuxuu kaloo sheegay in Iran ay "si dhab ah uga fiirsanayso in ay kala bar kaydkeeda Yuraniyamka ee sida aadka ah loo kobciyey u dirto dibadda, kala barka kalena ay khafiifiso, isla markaana ay samayso isbahaysi kobcin goboleed. Arintan ayaa ah fikrad soo noqnoqotay sannadihii ay socdeen dadaallada diblomaasiyadeed ee la xiriira Iran, sida ay Reuters sheegtay.

    Wuxuu sarkaalka intaas ku daray in Iran ay tallaabadan ku beddelan doonto in Mareykanku aqoonsado xaqa Iran ee "kobcinta nukliyeer si nabad ah loo adeegsado" iyadoo heshiiskaasi ay ku jiri doonaan qaadista cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Iran.

  6. Mareykanka oo qeyb ahaan shaqaalahiisa ka gurtay Beyruut xili xiisadda sii kordheyso

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in dhammaan shaqaalaha aan aadka u muhiimka ahayn ay ka baxaan safaaraddeeda ku taal caasimadda Lubnaan ee Beirut, ka dib dib u eegis amnio o la sameeyay, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda.

    Go'aankan ayaa yimid iyadoo xiisado xooggan ay ka jiraan gobolka, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay inuu tallaabo milatari ka qaadi doono Iiraan haddii aysan heshiis ka gaarin barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Iiraan ayaa horey u ballan qaaday inay aargoosan doonto haddii Mareykanku soo weeraro, iyadoo saldhigyada iyo xarumaha Mareykanka ee Bariga Dhexe loo maleynayo inay yihiin bartilmaameed suurtagal ah.

    Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa dib u dhigay safar uu qorsheyn lahaa inuu ku tago Israa'iil isagoon shaacin sababta.

    "Safaaraddu waxay weli shaqaynaysaa iyadoo shaqaaluhu ay joogaan goobta. Tani waa tallaabo ku meel gaar ah oo loogu talagalay in lagu hubiyo badbaadada shaqaalaheenna iyadoo la ilaalinayo awooddeenna aan ku shaqeyno oo aan ku caawinno muwaadiniinta Mareykanka.", ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda.

    Ilaa 50 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa lagu amray inay baxaan, iyadoo 32 xubnood oo shaqaale ah iyo qoysaskooda ay Isniintii ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Beirut, sida uu sarkaal ka tirsan garoonka diyaaradaha u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  7. Jaceyl dartiis ayuu u bixiyay sirta hubka nukliyeerka ee waddankiisa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Injirneer la shaqeynayay Sheybaarka Cilmibaarista iyo Horumarinta Difaaca ee Hindiya ayaa lagu eedeeyay inuu xog sirdoon oo la xiriirta nukliyeerka dalkaas siiyay basaas u dhashay Pakistan. Arrintaas ayaa ka dambeysay markii loo dhigay dabin loogu ballan-qaadayo xiriir jaceyl iyo guur.

    Wargeyska Times oo Hindiya oo xiganaya ilo-wareedyo sarsare oo booliska Hindiya ah ayaa qoray in injineerka oo lagu magacaabo Mallikarjuna Reddy sidoo kale laga raadiyay macluumaadka ku saabsan gantaallada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba ee qaniga ku ah nukliyeerka iyo gantaallada badda hoosteeda mara.

    Ninkan oo 29 jir ah ayaa Jimcihii laga soo xiray gurigiisa. Wuxuu qirtay eedeymaha basaasnimo, intii lagu jiray su'aalo-weydiinta. Booliisku wuxuu qorsheynayaa in uu sii xirnaado si ay xog dheeraad ah uga helaan.

    Wuxuu tan 2018-kii la shaqeynayay Nidaamka Casriga ah ee Badda ee Sheybaarka ee magaalada Hyderabad.

    Basaaska Bakistaaniga ah waxay isku magacawday Natasha Rao. Waxay Reddy saaxiib kula ahayd Facebook. Basaasiisaddan ayaa xog xasaasi ah oo la xiriirta barnaamijka Nukliyeerka ee Hindiya ka heshay Reddy iyadoo u ballan-qaaday guur.

    Sida uu warku sheegayo, shaqada eedaysane Reddy waxay ahayd inuu aado qaybaha wax-soo-saarka difaaca si uu u qiimeeyo halka ay howluhu marayaan iyo waqtiga kama dambaysta ah ee loo qorsheeyay.

  8. Iraan oo diginin soo saartay

    Iiraan ayaa ka digtay in suurtagalnimada weerar uu Mareykanku ku qaado dalkaas uusan ku koobnaan doonin labada waddan oo keliya.

    Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sheegay, in aysan jirin wax la yiraahdo weerar xaddidan, howlgal kasta oo ka dhan ahna Iraanna laga bixin doono jawaab adag.

    Horey, qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ku waramay, in Donald Trump uu ka fiirsanayo weerar aan xooganeyn oo uu ku qaado Iiraan, si uu Jamhuuriyadda Islaamiga ah ugu qasbo Iran inay aqbasho doonista Mareykanka isla markaana ay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Israa'iil waxay sidoo kale ka digtay, in weerar aargoosi ah oo Iiraan ay ku qaaddo dalkeeda, uu noqon doono qaladkii ugu weynaa taariikhda ee ay gasho Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa is weydiinaya sababta Iiraan aysan weli "isu dhiibin" iyadoo wajahaysa dhoollatuska millatari ee Washington ka waddo Bariga Dhexe, sida uu sheegay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, Steve Witkoff.

    Witkoff ayaa Sabtidii u sheegay Fox News in Trump uu "la yaabban yahay" mowqifka Iiraan, kaddib markii uu uga digay in la qaadi karo weerar millatari oo xaddidan haddii aan heshiis laga gaarin barnaamijka nukliyeerka ee Tehraan.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa Axaddii sheegay inuu aaminsan yahay in weli ay jirto fursad lagu xallin karo khilaafka si diblomaasiyadeed "iyadoo lagu saleynayo nidaam guul-guul ah." Wuxuu u sheegay CBS News in wadaxaajoodayaashu ay ka shaqeynayeen qodobbada heshiiska.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  9. Sababta ay Iraan u diidday inay 'isdhiibto' xitaa iyadoo Mareykanka qalab military ku daabulay Bariga Dhexe.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Sii socoshada iyo sii kordhinta joogitaankiisa millatari ee Maraykanku ka wado gobolka ayaa hadda u muuqataa mid ka baxsan fariin diris (signalling), isla markaana u janjeedha diyaargarow dhab ah.

    Imaanshaha markabka dagaalka ee USS Abraham Lincoln meel ku dhow biyaha Iiraan waa tallaabo muhiim ah oo la dareemi karo.

    Markab kale oo isna kuwa diyaaradaha dagaalka qaada ah, USS Gerald R. Ford, ayaa markii ugu dambeysay isna lagu arkay meel u dhow Marinka Gibraltar, wuxuuna u jihaystay bariga si uu u taageero hawlgallo suurtagal ah. Qalab iyo cutubyo kale oo milatari ayaa sidoo kale loo wareejiyay gobolka, taasoo sii xoojinaysa aragtida ah in Washington ay diyaarinayso ikhtiyaarro milatari oo isdaba joog ah.

    Howlgelinnada noocan oo kale ah waxay noqon karaan cadaadis diblomaasiyadeed. Hase yeeshee marka la isu geeyo, waxay sidoo kale muujin karaan in wadahadalladii dadbanaa ee u dhexeeyay Tehran iyo Washington ay gaadheen xaalad ismari waa ah, taas oo keeni karta tallaabo milatari haddii midkoodna uusan mowqifkiisa beddelin.

    Tani waxay dhalinaysaa su'aal aasaasi ah: maxay hoggaamiyeyaasha Iiraan, ugu yaraan si fagaare ah, weli u muujiyaan adkaysi iyagoo wajahaya dalka milatari ahaan ugu awoodda badan dunida iyo xulafadiisa ugu xooggan ee Bariga Dhexe?

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa is weydiinaya sababta Iiraan aysan weli "isu dhiibin" iyadoo wajahaysa dhoollatuska millatari ee Washington ka waddo Bariga Dhexe, sida uu sheegay ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka, Steve Witkoff.

    Witkoff ayaa Sabtidii u sheegay Fox News in Trump uu "la yaabban yahay" mowqifka Iiraan, kaddib markii uu uga digay in la qaadi karo weerar millatari oo xaddidan haddii aan heshiis laga gaarin barnaamijka nukliyeerka ee Tehraan.

    Jawaabtu waxay ku jirtaa shuruudaha ay Washington si cad ugu xidhay wadahadallada.

  10. Maxaa ka jira in Shiinuhu hub casri ah ka iibiyey Iran?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Safaaradda Shiinaha ee Israel ayaa sanadkii hore beenisay warbixinno ay soo saareen warbaahinno dibadeed oo sheegayey, in Iran ay heshay nidaamka gantaallada difaaca cirka ee masaafada dheer ee HQ-9B oo ka yimid Shiinaha.

    Warbaahinta ku hadasha afka Ingiriiska ee ku taal magaalada London ee Middle East Eye, ayaa 7-dii July 20125-kii soo warisay, iyadoo tixraacaysa sarkaal Carbeed oo aan la magacaabin oo sheegtay inuu helay xog muujinaysa, in nidaamyada gantaallada cirka ee ay soo saartay Shiinaha loo geeyay Iran, kadib markii la shaaciyey heshiiska hakinta weerarrada ee Iran iyo Israel 24-kii Juun, in Maraykanku iyo xulafadiisa Carabtu ay "ogaayeen" dadaallada difaaca cirka ee Tehran.

    Si looga falceliyo warbixintaas, Safaaradda Shiinaha ee Tel Aviv ayaa u sheegtay wargeyska Israel, Hayom, in waxa laga sheegay warbixinta uu yahay "mid aan sax ahayn."

    Safaaraddu waxay adkaysay in "Shiinuhu si adag uga soo horjeedo faafinta hubka wax dila iyo nidaamyadaas ba, isla markaana uu si joogto ah u xoojinayo awooddiisa la dagaallanka faafinta hubka."

    Israel Hayom ayaa soo xigtay hadalka Safaaradda Shiinaha oo leh, "Shiinuhu marnaba kama iibiyo hub waddamo ku hawlan dagaal, wuxuuna si adag u xakameeyaa dhoofinta waxyaabaha khuseeya hubka.

    Anagoo ah xubin joogta ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Shiinuhu wuxuu qaataa hab feejigan oo mas'uuliyad ku saleysan marka la dhoofinayo saanad milatari."

    Si kastaba ha noqotee, marnaba lama daabicin bayaan rasmi ah oo ay ku jiraan weedhahan, oo ka soo baxay barta rasmiga ah ee safaaradda Shiinaha ama warbaahinta dowliga ah ee dalkaas.

    Warbaahinta caalamka ayaa xiligaas si weyn u hadal-haysay wararka sheegaya ,in Iran dib u bilowday wadahadalladii ay ku doonaysay inay ku iibsato diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha loona yaqaan J-10C, kuwaas oo indhaha dunida soo jiitay kadib markii ay si fiican uga soo muuqdeen isku dhacyadii u dhexeeyay Pakistan iyo Hindiya.

    Wargeyska Tsingtao Daily ee ka soo baxa Hong Kong ayaa 27-kii Juun daabacay warbixin ku saleysan taariikhda arrintan, isagoo xusay in Shiinaha iyo Iran dhowr jeer ku guuldareysteen inay heshiis ka gaadhaan arrintan muddo 20 sano ah.

    -dii Luulyo, Wasaaradda Difaaca ee Shiinaha ayaa bixisay jawaab guud oo aan magacaabin Iran, iyadoo sheegtay in "dowladda Beijing ay qaadatay mowqif taxaddar leh oo mas'uuliyad leh marka ay timaado iibinta agabka milatari ee dibadda," ayna diyaar u tahay inay la wadaagto horumarka ay gaartay dhanka qalabka ciidamada dalalka saaxiibka la ah, iyada oo door wax ku ool ah ka ciyaareysa nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba.

    Waxaad siodoo kale akhrisan kartaa:

  11. Muxuu bilyaneerka Elon Musk u doonayaa inuu magaalo uga dhiso dayaxa?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    'Magaalo iskeed isku maamusho oo dayaxa laga dul dhiso ayaa la filayaa in muddo ka yar 10 sano laga sameeyo sida uu sheegay Elon Musk.

    Madaxa shirkadaha X, Tesla iyo SpaceX, isla markaana ah qofka ugu taajirsan dunida ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X oo la aqriyay in ka badan 40 milyan oo jeer ku sheegay in SpaceX ay diiradda saartay in ay dayaxa dushiisa magaalo ka dhisto halkii markii hore qorshahu ahaa in ay ka dhisto xidigga Mars.

    Laakiin maxaa keenay in Musk beddelo fikirkiisa? Maxaase laga ogyahay magaaladan "iskeed isku maamuleysa" ee laga dhisayo dayaxa?

    Dayaxa ama Mars

    Ma jiro weli qorshe rasmi ah oo faahfaahsan oo leh naqshado dhisme oo dhammaystiran oo ku saabsan magaaladan, balse waa aragti uu Musk dadka kula wadaagay bartiisa X.

    Wuxuu sheegay in la dhisi doono deegaan si tartiib tartiib ah u ballaaran kara iyadoo la adeegsanayo khayraadka dayaxa.

    Qoraalkiisa ayuu Musk ku sheegay in tani lagu gaari karo "wax ka yar 10 sano, halka Mars ay qaadaneyso 20 sano ama wax ka badan".

    Musk wuxuu sheegay in safar loo aadi karo oo kaliya Mars marka "meerayaashu is-waafaqaan 26-kii biloodba mar.

    "Tani waxay ka dhigan tahay in aan si ka dhakhso badan ku dhameyn karno dhismaha magaalo laga sameeyo dayaxa marka loo eego magaalo laga dhiso Mars ah.

  12. Sahwa waa dhagool. Rag aysan aqoon ayay casho u raacday kadibna si xun ayay u dileen

    Haweeney dhagool ah ayaa lagu dilay "weerar ba'an" kadib markii ay caweys u raacday dad aysan aqoon, sida ay maxkamaddu sheegtay.

    Zahwa Mukhtar, oo 27 jir ahayd, ayaa waxaa gaariga ka tuuray oo weeraray Duane Owusu Romford, mar ay marayeen bariga London, saacadihii hore ee 16kii August sanadkii hore, ayay tiri maxkamadda Old Bailey.

    Mar ay fureysay dhegeysiga, ayay dacwad-ooge Henrietta Paget KC waxay sheegtay in kiiskan uu ku lug leeyahay "dil arxan darro ah oo loo geystay haweeney da' yar oo nugul".

    Owusu, oo lagu naaneyso Nasty, kana soo jeeda Dagenham, ayaa dafiray inuu dilka geystay iyo xukunka.

    "Kan wuxuu ahaa weerar arxan-darro ah," ayay Paget u sheegtay xeerbeegtida.

    Dhaqanka uu Mr Owusu soo bandhigay ee ku aaddanaa dhibbanihiisa wuxuu ahaa mid quursi ah, sida ficilladiisii ​​iyo hadalladiisii ​​dambe ay caddeeyeen."

    'Cidna ma aysan aqoon'

    Zahwa waxaa lagu tilmaamay inay ahayd haweeney "fariid ah, farxad badan, oo firfircoon," taas oo kaaliye maaliyadeed ka ahayd Tiyaatarka Young Vic ee ku yaalla degmada Waterloo. Maxkamadda waxaa loo sheegay inay ahayd qof si weyn u dhego-la' tan iyo markii uu ku dhacay xanuunka jadeecada iyadoo saddex jir ah, balse ay si wanaagsan ula qabsatay iyadoo adeegsanaysa akhrinta dhaqdhaqaaqa dibnaha iyo Luuqadda Dhego-la'aanta ee Britain.

  13. Kumanaan askari oo lagu daabulay Mexico si ay uga hor tagaan rabshadaha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirka amniga ee dalka Mexico ayaa sheegay in kumanaan askari ay geeyeen qeybo kala duwan oo dalkaas ah, si ay u xoojiyaan amniga ka dib rabshado ka dhashay nin ka ganacsan jiray daroogada oo la dilay.

    Xoghayaha Difaaca, Ricardo Trevilla, ayaa sheegay in 2,500 oo askari oo dheeraad ah loo diray galbeedka Mexico Isniintii, iyadoo dowladdu ay sheegtay in qiyaastii 9,500 oo askari la daabulay guud ahaan tan iyo Axaddii.

    Ugu yaraan 20 gobol ayaa qalalaase ka dhacay tan iyo markii Nemesio Oseguera Cervantes - oo loo yaqaan "El Mencho" - uu ku dhintay xabsiga Axaddii, wax yar ka dib markii ay qabteen ciidamada gaarka ah ee Mexico ee gobolka Jalisco.

    Kooxda (CJNG) waa mid ka mid ah ururada dambiyada ee ugu cabsida badan Mexico, hoggaamiyahoodana wuxuu ahaa ninka loogu raadinta badan yahay dalkaas.

    "El Mencho," ahna 59 jir, wuxuu ahaa hogaamiyaha ugu sareeya ee Jalisco New Generation Cartel (CJNG), oo ah mid ka mid ah ururada dambiilayaasha ee ugu rabshadaha badan uguna baahsan Mexico, kaas oo ay dawladda Maraykanku u aqoonsatay urur argagixiso horraantii sannadkii hore.

    Oseguera Cervantes wuxuu ahaa mid ka mid ah hogaamiyayaasha ku caan baxay ka ganacsiga daroogada ee sida aadka ah loo doondoonayay ee nidaamka cadaalada ee Mexico iyo Maraykanka.