“Cadawga itoobiya waan kala daadin doonnaa, midba mar” Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Hadalka Abiy ayaa yimid iyadoo ay sii xoogeysatay xiisadda kala dhexeysa Eritrea ee ku aaddan sheegashada badda ee Itoobiya. Sidoo kale xiriirka kala dhaxeya Masar ayuu mugdi soo kala dhex galay

Kooban

Tebin toos ah

  1. Israa'iil oo xudduud cusub u samaysay Qasa

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Anadolu Via Getty Images

    Taliyaha ciidamada Israa’iil Eyal Zamir ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay Axadii in "khadka hurdiga ah" ee kala maraya marinka Gaza uu yahay "xuduudda cusub" ee marinka Gaza, halka ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu wadahadal muhiim ah la yeelan doono madaxweynaha Mareykanka Donald Trump dhamaadka bishan kaasoo ku saabsan marinka Qaza.

    Zamir ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray in “khadka huruudda ahi uu ka kooban yahay khad cusub oo soohdin ah, difaac ka horreeya dhulka la deegaameeyey, iyo khad weerar”.

    Heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, oo dhaqan galay 10-kii bishii Oktoobar, ayaa dhigaya in ciidammada Israa’iil ay ka baxaan wixii ka shisheeya “khadka jaalaha ah” kaasoo calaamad u ah aagga ay ka baxeen.

    Xudduudda cusub
    Qoraalka sawirka, Xudduudda cusub

    Wajiga koowaad ee qorshaha lagu hakiyay dagaalkii Marinka Qasa, ayaa ciidamada Israa’iil waxay hadda maamulaan 53 boqolkiiba marinka, oo ay ku jiraan inta badan dhul beereedkooda, oo ay weheliyaan Rafah oo ku taal koonfurta iyo magaalooyinka kale.

    Qorshaha, ka dib wejigii hore, waxaa ka mid ah in Israa'iil ay ka baxdo waxa loogu yeero "khadka jaalaha ah" ee lagu heshiiyey qorshaha Trump, iyada oo ay weheliso samaynta awood ku-meel-gaar ah oo maamusha Qasa, in la diro ciidamo ammaan oo caalami ah oo loogu talagalay in ay la wareegaan mas'uuliyadda ciidamada Israa’iil, iyo sidoo kale hub ka dhigista Xamaas iyo bilowga dib u dhiska.

  2. “Cadawga Itoobiya waan kala daadin doonnaa, midba mar” Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

    Abiy

    Xigashada Sawirka, FBC

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay maalinta qowmiyadaha. Wuxuu ka codsaday Dadka Itoobiyaanka ah inay “isu yimaadaan oo u midoobaan nabadda, danta qaranka iyo inay mid noqdaan”.

    Xafladan ayaa sanad walba la xusaa.

    Xuska sanadkan ayaa lagu qabtay magaalada Hosa'ina ee bartamaha dalka Itoobiya iyadoo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale.

    Ra’iisul wasaare Abiy lama maqal cidda uu u la jeedo cadowga, muuqaal lala wadaagay warbaahinta gudaha.

    Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Itoobiya ayaa ereygan ku tilmaamaya dalalka ay u arkaan inay cadow ku yihiin Itoobiya.

    Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo ay sii xoogeysatay xiisadda kala dhexeysa Eritrea ee ku aaddan sheegashada badda ee Itoobiya.

    Xataa ka dib markii ay Itoobiya dhamaystirtay biyo xidheenka GERD ka dib 14 sano oo dhisme ah, waxaa dhawaan soo ifbaxay xiisadda Masar.

    Wasiirka arrimaha dibadda Masar oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aysan dib u wadahadli doonin Itoobiya “kaddib 13 sano oo wadahadallo ah oo aan miro dhal ahayn”.

    Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo arrintaas ka jawaabaya ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu si kulul ugu dhaliilay Masar inay isku dayayso inay abuurto dalal hoos yimaada Koonfur Afrika.

  3. Trump oo ka walaacsan isku biiritaanka Netflix iyo Warner Bros

    Warner Bros - Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa walaac ka muujiyey suurtagalnimada qorshaha Netflix ee $ 72bn (£ 54bn) si uu ugu iibsado istuudiyaha filimada ee Warner Brothers Discovery iyo shabakadaha caanka ah ee HBO.

    Munaasabad ka dhacday Washington DC Axadii, ayuu ka sheegay in Netflix ay leedahay "saami weyn oo xagga suuqyada ah “ayadoo isku darka xajmiga shirkadahana ay noqon karto dhibaato".

    Jimcihii, labada shirkadood waxay sheegeen inay gaareen heshiis ay ku keenayaan qaybaha shirkadda Warner Brothers sida Harry Potter iyo Game of Thrones ee loogu keenayo Netflix, iyagoo abuuraya warbaahin cusub oo weyn.

    Heshiiska la qorsheeyay, kaas oo walaac ku abuuray qaar ka mid ah shirkadaha, ayaanu wali ansixin maamulka tartamada. BBC waxay la xiriirtay Warner Bros, Netflix iyo Aqalka Cad si ay faallo uga bixiyaan.

  4. Cilmi Baarista Hindiya: "Habaarka ama dhibaatada" sodohda

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa jiro xaasas "xanaaq badan" iyo kuwo seygooda "si joogto ah u eedeeya". Iyadoo waxaas oo dhan ay jiraan, haddana ma jirto cid ka adkaan karta qiyaanada iyo awoodda sodohda.

    Majaajilo uu sameeyay qoraaga Britishka ah, GK Chesterton, wuxuu "sodohda ugu xun ku tilmaamay cirfiid, isagoo sidoo kale sodohda ugu fiicanna ku sheegay in ay dhibaato tahay".

    Waxaa loo arkaa "xukun doon" in ay yihiin Sodohdyada Hindiya oo sidoo kale laga sameeyay shactiro iyo kaftan naxariis daro ah. Dumarka ugu badan ee dalkaas, ka dib marka la guursado waxaa la geeyaa guriga qoyska ninka, xiriirka ay sodohda la yeelaneyso waa mid aad muhiim u ah. Sidoo kale khibraddeeda nolosha waxay mararka qaar noqoneysaa mid sumcad xumo ku ah sodohda.

    Haddaba, Sodohda Hindiya u dhalatay waxaa aalaaba lagu soo bandhigaa dhibaatada aan dhammaadka lahayn ee hooyada ee aflaant Bollywood. Waa qof maamul adag oo amar badan, awoodda maamulka qoyska iyo wiilkeeda kula loollameysa gabadha ay sodohda u tahay. Markasta waa musalsalada ugu dheer ee Hindiya marka sodohda laga hadlayo.

    Sidoo kale, waxa xilli kasta la arkaa hadalka ah "sodohda hadda, waxaa jirtay xilli iyada sodoh loo soo ahaa".

    arkan, sodohda Hindiya waxaa lagu sameynayaa cilmi baaris aad u culus, taas oo suuragal ah in ay tahay markii ugu horeysay oo dabcigooda iyo dhaqankooda la baaro.

    Sannadkii 2018-kii, cilmi baarayaal ka socday Boston iyo Delhi waxay wareysteen 671 dumar ah oo lagu guursaday da'da 18 illa 30 sano, kuwaas oo ka soo kala jeeday 28 tuulo oo ka tirsan Degmada Jaunpur ee gobolka Uttar Pradesh.

    Waa deegaan ay dadkiisu aad ugu dhegan yihiin dhaqanka. Tirada dadka halkaas ku nool waxay u dhigantaa bulshada dalka Brazil oo dhan.

  5. Muxuu yahay yaase sameeyay xeer Ciise?

    .

    Xigashada Sawirka, IBRAHIM AXMED

    Qoraalka sawirka, .

    Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Xeer Ciise, oo ah xeer qarniyo jiray oo ay ku dhaqmaan beesha Ciise ee degta dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku dartay liiskeeda waxyaabaha dhaqanka aadmiga la xiriira.

    Aqoonsashadan taariikhiga ah ayaa lagu saleeyay sida xeerkan uu u mideeyo bulshooyinka, uu u dhowro dhaqanka uuna Geeska Afrika ugu dhiirrigeliyo caddaaladda.

    In xeerkan ay aqoonsato UNESCO ayaa waxaa si wada-jir ah u gudbiyay dad kasoo kala jeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu ansixiyay fadhigii 19aad ee guddi-goboleedka hay'adda kaasoo lagu qabtay magaalada Asunción, ee dalka Paraguay.

    UNESCO ayaa Xeer Ciise ku dooratay sida uu u xoojiyo qeynuunnada caalamiga ah sida xuquuqda haweenka iyo carruurta, dhowridda deegaanka iyo xallinta khilaafaadka.

    UNESCO ayaa ammaantay hannaankan oo ay u aragtay inuu tusaale dhif ah u yahay dhaqanka sharciga ah ee nool kaasoo dhiirrigelinaya dowlad-wanaagga iyo iskaashiga isagoo sidoo kale wax ka qabanaya caqabadaha maanta sida xallinta khilaafaadka iyo dhowridda deegaanka.

    Muxuu yahay yaase sameeyay xeerkan?

  6. Dabaal-degyo ka socda Suuriya iyadoo hal sano ka soo wareegatay markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad

    .

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty images

    Qoraalka sawirka, .

    Dabaaldegyo ayaa ka dhacay dalka Suuriya, taas oo lagu xusayo sanad-guurada koowaad ee ka soo wareegatay markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas, Bashar al-Assad iyo dhammaadka in ka badan konton sano oo uu xukun caburin ah ku hayay dalkaas isaga iyo qoyskiisuba.

    Wuxuu u cararay dalka Ruushka kadib markii kooxda uu hoggaaminayo madaxweynaha cusub, Axmed al-Sharaa, ay qabsadeen Dimishiq, isla markaana ay xilka ka tuureen.

    Dalku weli wuu kala jaban yahay, iyadoo dilalka qabiilka ku salaysan ay sii hurinayaan kalsooni darrada ka dhex jirta dadka laga tirada badan yahay, dad badanna ay ku dhibtoonayaan sidii ay u heli lahaayeen xasilooni.

    Dhacdooyin rasmi ah ayaa loo qorsheeyay fagaaraha dhexe ee Umayyad ee ku taala magaalada Dimishiq.

  7. Daraasad lagu ogaaday in guurka uu caafimaad ku jiro

    .

    Xigashada Sawirka, KUZMICHSTUDIO/GETTY

    Qoraalka sawirka, .

    Baaritaan dalka Britain laga sameeyey ayaa sheegaysa in guurka uu yahay mid u fiican wadna xanuunka.

    Daraasad oo mudo 13 sano wax ka badan la waday ayaa amuurtani lagu ogaaday.

    Dad ka badan sagaal boqol oo kun oo qof ayaa su'aalo la weydiiyey.

    Dadkan su'aalaha la weydiiyey ayaa qabbay xanuuno xiriir la leh cudurada wadnaha ku dhaca.

    Waxaana cilmi-baaristaasi lagu ogaaday in dadka guursada ay ka nolol dheer yihiin kuwa aan guursan.

    Sidoo kale dadka la xanuunsan cudurada sonkorta ama macaanka iyo dhiigkarka ayaa iyagana la sheegayaa inuu guurku u fiican yahay.

    Cilmi-baarayaashani ayaa sidoo kale aaminsan in wada noolaanshaha lamaanaha isguursada ay tahay caafimaad qab.

  8. Soomaaliya oo sheegtay In ay xidhiid toos ah la leedahay Somaliland Iyo Somaliland oo beenisay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dawladda Federaalka ee Soomaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula shaqeeyaan jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, oo ay sheegtay inuu ka dhexeeyo xidhiid toos ah oo joogto ah.

    Wasiiru- dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, oo u warramayey Doha news, isaga oo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar, ayaa sheegay in Somaliland weli qayb ka tahay Somalia, isla markaana ay socdaan deddaallo dublamaasiyaddeed oo xal loogu raadinayo arrimaha labada dhinac.

    Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay Cali Balcad, in ay ka go’an tahay wada hadal lala yeesho Somaliland “Waxaan rajaynaynaa inaan gaari doonno heshiis, isla markaana xal siyaasadeed oo waara la heli doono,” ayuu yidhi Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

    Dhinaca kale, Somaliland ayaa beenisay inuu jiro xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo wada hadallo dhex maray labada dhinac.

    War ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland soo saartay ayey ku sheegtay, in ay si rasmi ah u hakisay wada-hadallada horraantii sanadkan kadib faragelin Soomaaliya ku samaysay arrimaha gudaha ee Somaliland.

    “Somaliland waa dal madax-bannaan, xasilloon, isla markaana nabad ah. Shacabkeeduna ay midaysan yihiin oo adkaysi leh. Hadallo aan sal lahayn ma abuuri doonaan kala-qaybsanaan ama shaki gudaha Somaliland ah.” ayuu lagu yidhi qoraalkan Wasaaradda arrimaha Dibeddu ku baahisay barteed X e horey loo oran jiray Twitter.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxay sheegtay in ay istaageen wada hadalladii Somaliland iyo Somaaaliya"Geeddi-socodkii wada-hadalku si rasmi ah ayuu u istaagay. Mas’uul kasta ma laha awoodo uu ku qalloociyo xaqiiqadan ama ku soo saaro bayaanno marin-habaab ah oo loo gudbiyo warbaahinta caalamiga ah si uu u helo sumcad shaqsiyeed." ayay tiri wasaaraddu.

  9. Waa kuma wasiirkii Somaliland ee isku casilay xiisadda Boorama darteed?

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ahaana Afhayeenka Somaliland Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

    Xaaladda ka alloosan magaalada Boorama iyo go'aamo kala duwan oo xukuumaddii uu ka tirsanaa ka qaadatay doodda ka taagan xuska Xeerka Ciise loogu qabanayey magaalada Saylac, ayuu wasiirku ku sababayeeyey in iscasilaaddiisu la xidhiidho.

    Axmed-yaasiin oo xalay shirjaraa'id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa yidhi isaga oo ka hadlaya arrimahaas, "Markii xilka la ii magacaabay, waxaan aqbalay xilka la ii magacaabay oo ahaa wasiirka warfaafinta iyo afhayeenka xukuumadda, taas macnaheeduna waxa weeye go'aanku ha macaanaado ama ha qadhaadhaado, waxaan ahay qofkii ku dhawaaqayey go'aanka xukuumadda ka soo baxaya. Go'aanku haddii uu reerkayga ku qadhaadh yahay iyo haddii uu ku macaan yahay dowladnimadu ima odhanayso kana diid, kana yeel. Waan ku qasbanahay.

    Go'aanka Xukuumaddu gaadho ee ahaa in xafladda xeerkaas lagu qabanayo Saylac, muu ahayn go'aan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle jeebkiisa kala soo baxay, ee wuxuu ahaa go'aan xukuumaddeed. Afhayeenkii xukuumadda ayaan ahaa, waana ku dhawaaqay" ayuu yiri.

    Waxaa uu ku sababeeyey inuu xilka ka tago, markii labo go'aan oo xukuumaddu soo saartay midna isaga loo dhiibay inuu ku dhawaaqo, kii kalena uu madaxweynuhu ku dhawaaqay.

  10. Waaxda dambi-baarista Kenya oo soo xiray 26 qof oo ay Soomaali ku jirto

    .

    Xigashada Sawirka, DCI

    Qoraalka sawirka, .

    Waaxda dambi-barista Kenya ayaa sheegay inay howlgal xirfadeysan ku soo xireen 26 qof oo sida la sheegay ku lug lahaa ama si sharci darro ah oo aan waafaqsanayn habraaca helitaanka dukumentiyada muhiimka ah ee dawladda ku bixinayay dukumentiyo ay kamid yihiin Kaararka Aqoonsiga dalka, Baasaboorka, Shahaadooyinka Dhalashada, iyo Kaararka Aqoonsiga Ajaanibta ee dadka ajaaniibta ah iyo kuwo kale.

    Hawlgalka oo laba maalmood socday ayaa lagu qabtay shaqaale dawladeed oo ka tirsan Xafiiska Diiwaan-gelinta Qaranka iyo Agaasinka Socdaalka, iyadoo sidoo kale la qabtay odayaal dhaqameed, maalgeliyayaasha qorshayaasha sharci-darrada ah, iyo dhexdhexaadiyeyaal dardar geliyay soo saarista dukumentiyadan iyada oo loo marayo waddooyin musuqmaasuq ah.

    Baaritaannada ayaa shaaca ka qaaday shabakad isku xiran, halkaasoo shaqaalaha dawladdu ay si xun u jebiyeen habraacyada la dejiyay, iyaga oo ka faa'iideystay jagooyinkooda si ay u fududeeyaan diiwaangelinta iyo soo saarista dukumentiyada aasaasiga ah si sharci darro ah.

    Ganacsigan sharci darrada ah ah ayaa si xun u wiiqaya daacadnimada nidaamyada dawladda, waxaana uu dalka u hor seedayaa khataro xagga amniga ah oo halis ah, oo ay ku jirto soo gelitaanka iyo ka bixitaanka dadka e dalka si qarsoodi ah.

    Intii hawlgalku socday, dambi baarayaasha ayaa gacanta ku dhigay tiro badan oo dukumentiyo dawladeed iyo agabyo kale oo laga helay guryaha qaar ka mid ah eedaysanayaasha, kuwaas oo ah agab ay tahay in si adag loogu ilaaliyo xafiisyada dawladda Kenya.

    Waxyaabaha laga helay waxaa ka mid ah: Foomamka codsiga Aqoonsiga Qaranka oo kuwo la buuxiyay iyo kuwa aan la buuxin, qalabka faraha lagu qaadayay, shahaadooyinka dhalashada iyo geerida, baasaboorka, Shaambadaha rasmiga ah ee dawladda, iyo agabka kale ee diiwaangelinta.

    Eedeysanayaasha ayaa waxaa kamid ah dad Soomaali ah oo isugu jira ganacsato iyo shaqaale u shaqeeya dowladda iyo dad kale oo u dhashay dalka Kenya oo iyaguna u shaqeeya dowladda.

    Dhammaan eedaysanayaasha ayaa hadda ku jira xabsiga, iyagoo maraya habraacyo ay wadaan hay'ado badan ka hor inta aan la horgeyn maxkamadda.

  11. Masar oo samaysatay diyaarad nooca isqarxiya ah iyo hadal heyn wayn oo ka dhalatay

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Masar waxay soo bandhigtay diyaarad cusub oo ah nooca ismiidaamiya oon aan duuliye- lahayn lana yidhaahdo "Jabbar 150," taas oo ah ah tii ugu horreesay ee gebi ahaanba gudaha dalkeeda lagu sameeyo, sida ay sheegtay shirkad gaar loo leeyahay oo ka qeyb-galaysa bandhigga warshadaha difaaca "EDEX," oo ay sanad kasta qabato Wasaaradda Difaaca ee Masar.

    Soo-saareyaasha ayaa sheegay in Jabbar 150 ay leedahay awood weerar oo sarreysa, maadaama ay u duuli karto masaafo gaadheysa 1,500 kiiloomitir, iyadoo xawaare ahaan gaari karta 200 kiiloomitir saacaddii, isla markaana hawada ku sii jiri karta ku dhowaad toban saac oo xidhiidh ah. Sidoo kale waxay qaadi kartaa 40 ilaa 50 kiiloo oo qalab dagaal ah.

    Diyaaraddan waxay ku shaqeysaa GPS iyo Inertial Navigation System (INS), taas oo u oggolaanaysa inay bartilmaameedka hesho iyadoo adeegsanaysa dareemeyaasha kulaylka haddii GPS-ku carqaladoobo.

    "Jabbar 150" waxay noqonaysaa noocii ugu horreeyay ee taxane cusub oo qalabka ismiidaaminta ah oo sidoo kale ka mid yihiin "Jabbar 200" iyo "Jabbar 250."

    Ka dib guuldarradii 1948 [dagaalkii Carabta iyo Israa'iil], Masar waxa ay diyaarisay mashruucii ugu ballaadhnaa ee taariikhdeeda si ay gudaha ugu soo saarto hubkeeda, iyadoo oggolaansho ka haysata Britain iyo Maraykanka sida ku cad dukumiintiyada Biritan.

  12. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Borama

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa maalmihii aan soo dhaafnay ay rabshado iyo shaqaqooyiin ka socdeen magalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

    Booliiska iyo dad shacab ah oo dibadbax dhiagayay ayaa isku dhacay, waxaan ka dhashay khasaaro aan wali si rasmi ah loo shaacin inta uu gaarsiisan yahay.

    Madaxwaynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa balanqaaday in baaritaan lagu sameyn doono wixii ka dhacay Boorame.

    Xaaladda magaaladaas ayaa degganayd tan iyo shalay gelinkii dambe kadib mudaaharaadyo rabshado wata oo maalmihii u dambeeyay ka socday halkaas.

    Isku dhacyada ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

    QM oo aqoonsatay xeer ay qarniyaal ku dhaqmayeen bulsho Soomaali ah