Madaxweynaha Brazil iyo jilaagii caanka ahaa ee filimkii Titanic oo madaxa iskula jira

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa dib u weeraray Leonardo DiCaprio ka dib markii jilaaga Hollywood-ka ah iyo deegaanyahankani uu ku dhiirigeliyay dhalinyarada dalkaas ay codeyaan sannadkaan.
"Brazil waxay hoy u tahay kaymaha Amazon iyo nidaamyada kale ee deegaanka ee muhiimka u ah isbeddelka cimilada," DiCaprio ayaa soo dhigay Twitter-ka Khamiista.
"Waxa halkaas ka dhacaya waa arrin annaga dhammaanteen noo quseeya, codeynta dhallinyaraduna waxay fure u tahay isbeddelka meeraheenna oo caafimaadka qaba," ayuu raaciyay.Mr Bolsonaro, oo jaray ilaalinta deegaanka, ayaa si jeesjees ah ugu jawaabay.
"Waad ku mahadsan tahay taageeradaada, Leo! Runtii aad ayay muhiim u tahay in qof kasta oo reer Brazil ah uu u codeeyo doorashooyinka soo socda," hogaamiyaha midigta fog, oo xafiiska la wareegay 2019, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay.
"Dadkeennu waxay go'aansan doonaan haddii ay rabaan inay madax-bannaanideenna ku sii hayaan Amazon ama ay u taliyaan kuwa qallafsan oo u adeega danaha gaarka ah ee shisheeye."
DiCaprio waa difaaace weyn oo ku caan baxay kaymaha waaweynee Amazon, isaga oo $5m (£4.1m) ugu deeqay dadaallada ilaalinta sanadkii 2019.
Mr Bolsonaro ayaa dhaleecayn baahsan kala kulmay siyaasadaha deegaanka ee dowladiisa, waxaana lagu eedeeyay in uu ogolaaday xaalufinta dhirta ee gobolka in ay soo dedegto.
Khubarada ilaalinta deegaanka ayaa ku eedeeyay Mr Bolsonaro iyo dawladiisa inay indhaha ka qarsadeen beeralayda iyo kuwa dhirta ka jaraya dhulka Amazon oo ah kayn roobeedda ugu weyn adduunka.Hogaamiyaha dalkaas ayaa wiiqay ilaalinta deegaanka ee gobolka wuxuuna ku dooday in dowladdu ay ka faa'iidaysato deegaanka si loo yareeyo saboolnimada.
Sida laga soo xigtay xogta dayax-gacmeedka dowladda, tirada dhirta laga jaray Amazon ee Brazil bishii Janaayo ee sanadkan ayaa aad uga badan xaalufinta dhirta ee sannadkii hore.
Meesha la burburiyay ayaa shan jeer ka weyneyd 2021 - wadarta guud ee tan iyo markii la bilaabay diiwaan gelinta 2015.

Xigashada Sawirka, Reuters
Kaymaha roobka ee Brazil oo aad u badan ayaa hawada ka soo nuuga gaasaska dhirta lagu koriyo, iyaga oo ka dhiga kaarboon. Laakin mar kasta oo geedo badan la gooyo, waxaa yaraanaya kaynta qoyan waxaana dunida ku baahay wasakhawga qiiqa.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay labada dhinac isku dhacaan arintaan.
2019, Mr Bolsonaro wuxuu ku eedeeyay DiCaprio "inuu bixiyay lacag uu dab ku qabadsiiyo Amazon".
Ma uusan bixin wax cadeyn ah balse waxa uu taariikh u leeyahay in uu ku eedeeyo NGO-yada dhaliilsan siyaasadiisa ku aadan kaymahan in ahaayeen kuwo bilaabay dab baabi'iyay keymaha roobka sanadka 2019-ka.
Sannadkii hore, DiCaprio waxay ku biiray tobaneeyo qof oo caan ah si ay ugu booriyaan madaxweynaha Mareykanka Joe Biden inuusan wax heshiis deegaan ah la saxiixin Brazil iyadoo ay sii kordheyso xaalufinta dhirta Amazon.










