Pirlo oo ciyaaraha ka fariistay
Andrea Pirlo oo horay dhexda ooga dheeli jiray dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqay in uu ciyaaraha ka fariistay, ka dib markii uu ciyaartii u dambaysay u saftay New York City.
Ciyaaryahankan 38 jirka ah ayaa qaranka Talyaaniga u dheelay 116 kulan, wuxuuna ka caawiyay in uu ku guulaysto Koobkii Adduunka ee 2006dii.
Pirlo ayaa ciyaaraha ka billaabay Brescia intaas ka dibna wuxuu u soo saftay naadiyada kala ah, AC Milan iyo Juventus ka dibna wuxuu ku soo khatimay kooxda New York City ee dalka Maraykanka ka dhisan oo uu labo sano ka ciyaaray.
Qoraal uu Twitter-ka soo galiyay Pirlo ayuu ugu mahadceliyay kooxihii uu horay ugu soo dheelay iyo ciyaartoydii ay isla soo ciyaari jireen isaga oo sheegay in ay sharaf u ahayd.
Juventus oo uu horay ugu soo dheelay ayaa ku tilmaantay "hanad dhab ah"
Tababaraha kooxda New York City, Patrick Vieira ayaa sheegay in Pirlo "uu kubadda cagta wax wayn ka badalay".

Xigashada Sawirka, Rex Features
Waxyaabaha uu Pirlo xaqiijiyay intii uu ciyaaraha ku soo jiray
872 ciyaarood ayuu dheelay
6 jeer ayuuu ku guulaystay horyaalka Talyaaniga ee Serie A
2 jeer ayuu ku guulaystay koobka Coppa Italia
2 jeer ayuu hantay koobka Horyaallada Yurub ee Champions League
1 mar ayuu qaaday Koobka Adduunka
Kooxihii uu horay ugu soo dheelay iyo dad badan oo kale ayaa wanaag u rajeeyay Pirlo, sida ka muuqata Twitter-radan hoose ka muuqataa.

Xigashada Sawirka, Twitter

Xigashada Sawirka, Twitter

Xigashada Sawirka, Twitter

Xigashada Sawirka, Twitter











