Taageerayaasha kubadda ee Hong Kong oo ku oriyay heesta calankooda

Taageerayaasha Hong Kong ayaa sidan oo kale ugu oriyay heesta calanka sannadkii 2015kii

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Hong Kong ayaa sidan oo kale ugu oriyay heesta calanka sannadkii 2015kii

Qayb ka mid ah taageerayaasha kubadda cagta ee Hong Kong ayaa ku oriyay heesta calanka qarankooda intii ay socotay ciyaartii saaxiibtinimada ee ay foodda isku dareen Laos.

Taageerayaasha ayaa dhawaaqay oo kor u taagay far dhexadooda markii heesta calanka la daaray ciyaarta ka hor, Hong Kong ayaana ciyaartaas ku badisay 4-0.

Sannadihii u dambeeyay waxaa sare u sii kacayay aragtida Shiinaha ka dhanka ah ee Hong Kong ka soo yeeraysay.

Bishii Sabtembar ayuu Shiinuhu meelmariyay qaanuun sharci darro ka dhigaya in wax loo dhimo heesta calanka, inkastoo aan sharcigaas lagu soo darin sharciga gaarka u ah Hong Kong.

Ciyaartii khamiistii ma ahayn markii koobaad ee Hong Kong ay ku oriso heesta calanka.

Sannadkii 2015kii ayay xiriirka kubadda cagta Adduunka ee Fifa ganaax dusha ka saartay xiriirka kubadda cagta ee Hong Kong ka dib markii ay taageerayaashu oriyeen ciyaar koobka Adduunka loogu soo baxayay oo ay la lahaayeen dawladda Qadar.

Dhcdadan u dambaysay waxay ku soo aadaysaa toddobaadyo ka hor kulanwaynaha 19 ee xisbiga Shuuciga ah ee lagu soo dooranayo masuuliyiinta ugu sarraysa ee Shiinaha.

Hong Kong, oo ay soo gumaysatay Britainayaa ah gobolk Shiinaha ka tirsan oo maamul khaas ah leh.

Laakiin xiisadda dawladda Shiinaha kala dhaxaysa ayaa sii koraysa iyadoo murankaasi uu salka ku hayo isbadalka dimuqraadiyadda, iyo baaqyada madaxbannaanida ee sii kordhaya.