Ganacsade Shiinays ah oo iibsaday kooxda Southampton

Xigashada Sawirka, Reuters
Jisheng Gao oo ah ganacsade Shiinays ah iyo qoyskiisa ayaa dhamaystiray heshiiskii ay ku gadan lahaayeen kooxda Southampton 80%.
Bishii Janaayo ayay shirkadda Lander Sports Development ee uu leeyahay Gao sheegtay in iibka lagu heshiiyay, laakiin la wareegitaankani uu hadda yahay maalgalin shaqsi.
"Maanta wakhti cusub oo ifaya ayaa u billawday naadiga" ayay tiri Katharina Liebherr oo kooxda Southampton ka dhaxashay aabaheed Markus, sannadkii 2010ka, markaas oo ay ka dheelayeen koobka League One.
Hadda waxay wali sii yeelan doontaa 20%.






