Go'aan ku aaddan Misaajidda Gaalkacyo oo la soo saaray

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali

Guddiga amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa amray in masaajidda kuyaalla magaalada Gaalkacyo lagu xiro kaamirooyinka qarsoon si sugidda amniga ay uga qeyb qaataan.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa sheegay in marka ay u kuur galeen dilalka iyo dhaca inay intooda badan ka dhacaan masaajida, gaar ahaan marka salaadda laga soo baxayo.

Feysal oo BBC la hadlay ayaa sheegay in bayaan ay soo saareen ay misaajidyada ku wargaliyeen in muddo 7 maalmood gudihiis ah lagu xiro kamirooyiinka ammaanka ee CCTV loo yaqaano.

"Qodobka kowaad waxaa uu yahay in misaajidda lagu xiro CCTV kaamira muddo toddobaad gudihiis ah," ayuu yiri Guddoomiye Feysal.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa intaa ku daray in ay amar ku bixiyeen sidoo kale in misaajidda lagu xiro nalal waawayn oo la daaro xilliyda habeenkii.

"Misaajidda in lagu xiro leerar waawayn xilliga habeenkii, maqribka iyo cishaha inta u dhaxeysa ayaa dadka la dilaa marka in leerar waawayn waa in si dhaqso ah masaajida lagu xiro," ayuu yiri.

Guddiga amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa sidoo kale amarradooda dhanka ammmaanka ee ay soo saareen waxay ku sheegeen in loo baahan yahay in la xiro luuqyada yaryar ee ka agdhaw masaajidada si dadka wax dila aysan ugu baxsan.

"Go'aanka saddexaad waxaaa uu ahaa luuqyo yaryar ayaa u dhaxeeya masaajidda iyo guriyaha oo laga baxo, luuqyadaasi oo kale in la xiro si aysan u sahlanaan in qofka wax dilo uu ka baxo," ayuu yiri.

Booliiska

Xigashada Sawirka, Google

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali oo aan wax ka waydiinay cidda ku xiraysa Misaajidda kamirooyinkaasi in ay iyaga yihiin ama maamullada Masaajidda ayaa sheegay in arrintaasi aan wali go'aan laga gaarin.

"Anaga hadda waxaan soo saarnay waa amarro in Misaajidada kaamira lagu xiro cidda ku xiereysa iyo sida loogu xirayo, waxyaabhaasi gaar weeye, aniga iyo culumada horey shirar hordhac ah ayaan yeelannay haatana wadahadalo ayaa noo socda," ayuu yir gudoomiye Feysal.

Guddiga amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa wxay sheegeen in tallaabooyiinkan ay soo saareen ay aaminsan yihiin inay wax badan ka tari doonaan sugidda amniga iyo wax ka qabashada dilalka ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

"Kan wax dilaya mar kasta waa is qariya marka haddii uusan qarsoomayn oo meel uusan ku qarsoomeyn tahay marka haddii meesha Kamarooyiin lagu xiro meeshana nalal waawayn lagu xiro markaas uma bareeri karaan," ayuu yiri Mr Feysal.

Axmed Kaboole oo si weyn u falanqeeya arrimaha amniga Soomaaliya wuxuu BBC-da u sheegay Kaamirada Qarsoon ee CCTV si amniga looga sugo in Misaajidda lagu xiro iney waxba ku jabneen.

"Kaamirada CCTV badanaa waxaa lagu xiraa goobaha ay boolisku u arkaan iney khatar badan ay ku leedahay amniga oo dambiilayaasha ama aragagagixisada ay ku badan yihiin marka badanaa waxaa loo isticmaalaa ka hortagga iyo dabagalka hase yeeshee Kaamirooyinkaasi waa in loo xiraa si aan dhibaato u geysaneyn xorriyadda dadka," ayuu yiri Axmed Kaboole.

Axmed Kaboole wuxuu intaa ku daray Kaamirada iney wanaagsan tahay balse ay jiraan waxyaaba kale oo kaga roonaan CCTV in amniga lagu sugo.

"Waxaan isleeyahay CCTV Kaamira oo lagu xiro masaajidda Gaalkcayo waxaa ka roonaan lahayd in ciidan ammaanka sugo oo bulshada meesha joogta ka socota loo sameeyo oo boolis laga dhigo ama booliska laftiisa bannaanka loo istaajiyo si ay shaqsiyaadka u waardiiyeeyaan iyo sida oo kale in masaajidka laftiisa hadduu shakigiisa batay oo dhibaato dhanka amniga meeshaa laga dareemo in xog uruurin la sameeyo oo dadka soo galaya ama ka baxaya masaajidka xogtooda la sameeyo oo si gaar ah masaajiida waardiyeyeso, CCTV kaamirana dhib uma arko haddii ay xorriyadda shaqsiga ay ku xadgudbeyn," ayuu yiri Axmed Kaboole oo falanqeeya arrimaha amniga Soomaaliya oo BBC u warramay.

Magaalda Galkacyo ayaa ka mid ah magaaloyiinka dilalka badan ay ka dhacaan, waxaana dilkii ugu dambeeyay uu ahaa midkii loo geystay mid ka mid ah nabadoonada magaaladaasi.

Inta badan gacanta laguma soo dhigo dadka geysta dilaalkaasi ka dhaca magaalada Gaalkacyo.