Hillary Clinton oo wareysi ay BBC siisay uga hadashay Trump iyo feylashii fadeexadda ee Epstein

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Hillary Clinton oo wax laga weydiiyay xiriirrada Epstein
    • Author, Jessica Parker
    • Role, Berlin correspondent
    • Reporting from, Berlin
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Hillary Clinton ayaa ku eedaysay maamulka Madaxweyne Donald Trump "qarin" ku saabsan qaabka uu u maareeyay faylasha la xiriira dembiilihii galmada ee geeriyooday Jeffrey Epstein.

"Faylasha soo saara. Si ula kac ah ayay u dib-dhigayaan," ayay xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Maraykanku u sheegtay BBC-da iyadoo joogtay magaalada Berlin, halkaas oo ay kaga qaybgashay Madasha Caalamiga ah (World Forum).

Aqalka Cad ayaa ku adkaystay in iyadoo la siidaynayo faylasha ay "u qabteen dhibbanayaasha wax ka badan intii ay Dimuqraadiyiintu abid u qabteen".

Markii la weydiiyay in Andrew Mountbatten-Windsor uu hor tago guddiga congress-ka, Hillary Clinton waxay tiri: "Waxaan aaminsanahay in qof kasta oo la weydiiyo inuu marag furo."

In qofka magaciisu ka soo muuqdo faylasha ma aha calaamad muujinaysa gef ama fal-dembiyeed. Andrew mar kasta wuu dafiraa inuu sameeyay wax khalad ah.

Trump

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Malaayiin faylal cusub ah oo la xiriira Epstein ayaa bishan horraanteedii ay shaacisay wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka, ka dib markii Koongaresku uu meelmariyay sharci faraya hay'adda inay sii dayso agabka la xiriira baaritaannada Epstein.

Wasaaradda Caddaaladda (DoJ) ayaa hadda sheegtay inay sii daysay dhammaan faylalkii looga baahnaa Sharciga Caddaaladda ee Faylasha Epstein, balse sharci-dejiyeyaasha ayaa ku dooday in sii-dayntaas aysan ku filnayn. Mudanaha xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto Kentucky, Thomas Massie, oo qayb ka ahaa qoraalka sharcigan, ayaa ugu baaqay DoJ inay sidoo kale sii daayaan xusuus-qoryada gudaha ee qeexaya go'aannadii hore ee ku saabsanaa in dacwad lagu soo oogo Epstein iyo saaxiibbadiis iyo in kale.

Epstein ayaa ku dhintay qol xabsi oo ku yaalla New York 10-kii Ogosto 2019 isaga oo sugayay, iyada oo aan fursad damiin ah la siin, maxkamadayntiisa ku aaddan eedaymaha la xiriira ka ganacsiga galmada. Tani waxay timid in ka badan toban sano ka dib markii lagu xukumay inuu ku dhiirrigeliyay ka ganacsiga jirka qof aan qaan-gaar ahayn, taas oo loogu diiwaangeliyay inuu yahay dambiile galmo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Andrew, oo ahaa amiirkii hore, ayaa wajahay cadaadis kordhaya oo kaga imaanaya mas'uuliyiinta Maraykanka iyo qoyska Virginia Giuffre oo ah qofka caanka ah ee eedaysay Jeffrey, si uu markhaati uga furo Guddiga Kormeerka oo ku saabsan xiriirka uu la lahaa Epstein.

Andrew ayaa dhowr jeer dafiray inuu wax dambi ah galay, wuxuuna heshiis ka baxsan maxkamadda la galay Giuffre sannadkii 2022, kaas oo aanay ku jirin wax qiraal ah oo ku saabsan mas'uuliyadda dambiga. Giuffre ayaa is dishay sannadkii 2025.

Qoyska Clinton ayaa lagu wadaa inay hor yimaadaan guddiga. Bill Clinton ayaa soo muuqan doona 27-ka Febraayo, Hillary Clinton-na waxay soo muuqan doontaa maalinta ka horreysa.

Cod qorshaysnaa oo lagu doonayay in qoyska Clinton lagu xukumo in ay quursadeen Koongareska ayaa dib loo dhigay ka dib markii labadooduba ay oggolaadeen inay marqaati furaan. Waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee madaxweynihii hore ee Maraykanka uu markhaati ka hor furo guddi ka tirsan Koongareska tan iyo markii uu Gerald Ford sidaas sameeyay 1983-kii.

Bill Clinton — oo dhowr jeer lagu xusay faylasha Epstein — ayaa aqoon u lahaa Epstein, kaas oo xabsiga ku dhex dhintay 2019, balse waxa uu sheegay inuu xiriirka u jaray labaatan sano ka hor.

Ma jiro mid ka mid ah qoyska Clinton oo ay ku eedeeyeen wax dambi ah dadkii ka badbaaday xadgudubka Epstein, labadoodubana waxay diideen inay wax aqoon ah u lahaayeen dambiyadiisa galmada ee xilligaas.

Qoyska Clinton ayaa ku baaqay in dhagaysiga maxkamaddu uu ahaado mid dadweynaha u furan halkii uu ahaan lahaa mid albaabbadu u xiran yihiin.

"Waan imaanaynaa laakiin waxaan u malaynaynaa inay wanaagsan tahay in la qabto iyadoo dadweynuhu arkayaan," Hillary Clinton ayaa u sheegtay BBC News.

Guddoomiyaha guddiga ee xisbiga Jamhuuriga James Comer ayaa ku eedeeyay qoyska Clinton "dib-u-dhac", isagoo sheegay in labada qof ay "is dhiibeen" markii uu soo dhawaaday codka quursiga.

"Kaliya waxaan rabaa inay noqoto mid caddaalad ah," ayay tiri Hillary Clinton. "Waxaan rabaa in qof kasta loola dhaqmo si isku mid ah."

"Ma lihin wax aan qarinno. Waxaan marar badan ku baaqnay in faylashan si buuxda loo sii daayo. Waxaan u malaynaynaa in iftiinka qorraxdu yahay jeermi-dilaha ugu fiican."

Clintons

Xigashada Sawirka, Getty Images

Musharaxaddii hore ee madaxweynenimada ayaa ku doodday in iyada iyo ninkeeda loo isticmaalayo in dareenka looga jeediyo Trump.

"Bal eega shaygan dhalaalaya. Waxaan keenaynaa qoyska Clinton, xitaa Hillary Clinton, oo aan waligeed la kulmin ninkaas."

Hillary Clinton ayaa sheegtay inay la kulantay Ghislaine Maxwell — oo ahayd saaxiibaddii Epstein ee la xukumay — "marar dhif ah".

Trump — oo boqollaal jeer lagu xusay faylasha Epstein — ayaa si joogto ah u dafiray wax dambi ah oo la xiriira Epstein, kaas oo uu sheegay inuu xiriirka u jaray tobnaan sano ka hor, loomana haysto wax dambi ah oo ay u haystaan dhibbanayaasha Epstein.

Markii wax laga weydiiyay faallooyinka Hillary Clinton ee wareysiga, Trump ayaa u sheegay BBC News inuusan waxba qarinayn.

"Waa lay bari-yeelay. Wax shaqo ah kuma lahayn Jeffrey Epstein. Way u howl galeen iyagoo rajaynaya inay wax helaan, laakiin waxay heleen wax taas ka soo horjeeda," ayuu yiri isagoo saaran diyaaradda Air Force One.

"Iyaga ayay hadda heysataa. Taasina waa dhibaatadooda... Clinton iyo dad badan oo kale oo Dimuqraadiyiin ah ayaa lasoo geliyay."

Marka la eego eedaymaha ka dhanka ah Trump, DoJ ayaa hore u sheegtay: "Dukumentiyada qaar waxay ka kooban yihiin sheegashooyin aan run ahayn oo buunbuunin ah oo ka dhan ah Trump kuwaas oo loo gudbiyay FBI-da wax yar ka hor doorashadii 2020. Si cad haddii loo sheego, sheegashooyinkaas waa kuwo aan sal iyo baar toona lahayn, haddii ay lahaan lahaayeen wax yar oo lagu kalsoonaan karo, hubaal waxaa loo isticmaali lahaa hub ka dhan ah Trump."

Aqalka Cad ayaa yiri: "Markii la sii daayay kumannaan bog oo dukumentiyo ah, lana kaashaday codsigii u yeerista ee Guddiga Kormeerka Aqalka, iyo Madaxweyne Trump oo dhowaan ku baaqay baaritaanno dheeri ah oo lagu sameeyo saaxiibadii Epstein ee Dimuqraadiyiinta, Maamulka Trump wuxuu u qabtay dhibbanayaasha wax ka badan wixii ay waligood u qabteen Dimuqraadiyiintu."