Farsamada cajiibka ah ee ay sirdoonka Ukraine u adeegsadeen dilkii Janaraalkii Ruushka u qaabilsana Niyukleerka

Xigashada Sawirka, Russian Ministry of Defense
Ilo-wareedyo ay BBC-da ka soo xigatay laamaha ammaanka iyo sirdoonka Ukraine ayaa xaqiijiyey in sirdoonkooda ay qaadayaan hawlgallo ka dhan ah ciidamada Ruushka iyo saraakiisha sarsare ee ku lugta leh dagaalka "meel kasta oo ay joogaan cadawga Ukraine".
Meelahaas waxaa ka mid ah dhulka Ukraine ee ay haystaan ciidamada Ruushka, dhulka gudaha Ruushka, iyo meelo kale oo dibadda ah.
Sida laga soo xigtay Ivan Stopak, oo ah khabiir dhinaca milatariga ah, horena uga tirsanaan jiray hay'adda nabadsugidda ee Ukraine, dilkii loo geystay Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka, Igor Krylov, oo la adeegsaday aalad looga shakisan yahay in lagu xiray mooto, waa fal la mid ah Weerarkii Mossad ay ku qaadeen Xisbullah oo loo adeegsaday aaladaha wax lagu duubo.
"Ciidanka sirdoonka Ukraine waxa lagu qasbay in ay doortaan sida loo dili lahaa Igor in lagu dilayo toogashada, qarxinta, ama sumeynayo," ayuu raaciyay Stopak.
Liiska yoolalka la higsanayo
Waxa uu sheegay in marka la eego dhinaca ciidamada Ammaanka ee Ukraine, cid kasta oo ku lug leh diyaarinta, qorsheynta, taageerada, iyo hirgelinta gardarrada Ruushka ee Ukraine laga dhigan karo bartilmaameed sharci ah.
Liiska bartilmaameedyada ay daabaceen sirdoonka Ukraine ayaa waxaa ka mid ah magacyada Jeneraalada Ruushka iyo taliyayaasha ciidamada kala duwan, oo ay ku jiraan ciidamada cirka ee Ruushka, kuwaas oo weerar ku ah magaalooyinka Ukraine iyo kaabayaasha tamarta.
Si kastaba ha ahaatee, marka ay laamaha Ammaanku go'aansadaan in ay beegsadaan qof, waxa ay si taxadar leh u qiimeeyaan arrimo ay ka mid yihiin qaabka ugu haboon ee loo fulin karo.
"Hawlgalkani waa shaqo aad xirfad u leh, hawlgalkan oo kale waa in ay fuliyaan koox dhawr qof ah," waxaa sidaasi BBC u sheegay Stopak.
"Waa inay heleen xogta ku saabsan jeneraalka inuu hayo xogta saaxiibadiisa dhow, iyo suurtagalnimada in ay la socdaan ciidamada ammaanka ee Ruushka."
Basaasiinta waa in ay si iskaa wax u qabso ah u fuliyaan howlgallada qarsoodiga ah iyaga oo ka taxadaraya in lagu qabto bambooyinka waddooyinka Moscow ama lagu ogaan karo kamaradaha ilaalada ee rakiban - iyo in ka badan, waxay sidoo kale u baahan yihiin inay bixiyaan waddo ay ku badbaadi karaan.
"Sarkaalka sirdoonka u qaabilsan qorsheynta howlgallada noocan oo kale ah wuxuu ii sheegay in marka uu dadkiisa u diro howlgalladan oo kale 20-daqiiqo ay la mid tahay saddex maalmood, aad ayay khatar u tahay, aad ayayna u xanuujinaysaa qof walba oo ku lug leh."
Wararka been abuur ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jnaraal Igor Krylov, taliyaha ciidamada difaaca kiimikada ee Ruushka, ayaa ahaa bartilmaameed aad muhiim ugu ah sirdoonka Ukraine.
Isniintii, laaamaha Ammaanka ee Ukraine ayaa Krylov oo 54 jir ah ku soo oogay dacwad ah inuu isticmaalay hubka kiimikada ah ee la mamnuucay, isagoo sheegay inuu " door ku lahaa isticmaalka hubka kiimikada ah ee la mamnuucay."
"Hay'adda ammaanku waxay sheegtay in Ruushku u adeegsaday hubka kiimikada in ka badan 48,000 oo jeer islamarkana uu hoggaaminayey Jeneraalkan.
Bishii October, Britain waxay magaca Krylov ku dartay liiska cunaqabataynta, iyadoo sheegtay inuu hormuud ka ahaa adeegsiga hubka kiimikada ee loo aeegsaday Ukraine uuna ahaa "maareeyaha war-faafinta Kremlin-ka." Si kastaba ha ahaatee, Moscow ayaa diiday eedeymahan.
Krylov ayaa sidoo kale hogaaminayay mid ka mid ah ololihii ugu caansanaa ee ka dhanka ahaa Ukraine tan iyo bilowgii dagaalka.
Waxa uu caan ku yahay sheegashadiisa ah in reer galbeedka ay isku dayayaan in ay u adeegsadaan Ruushka hub bayooloji ah oo aan caadi ahayn.
Krylov wuxuu ku andacoodey in "xarumaha ciidamada Maraykanku ay isku dayayaan inay Ruushka u soo diraan kooxo xayawaano oo sidda HIV iyo cagaarshow" wuxuuna sidoo kale ku andacoodey in kooxo "kaneeco dagaal" ah oo xambaarsan fayrasyo kala duwan la geyn doono si ay u waxyeeleeyaan muwaadiniinta Ruushka.
Wuxuu ku eedeeyay Mareykanka "in uu diyaariyo masiibo cusub isagoo raadinaya isbeddellada fayraska" oo uu qorsheynayo "inuu fal daandaansi ah ka fuliyo Ukraine isagoo isticmaalaya walxo sun ah ka dibna uu ku eedeynayo Ruushka."
Krylov wuxuu sameeyay sheegashooyin aan sal lahayn oo ku saabsan shaybaaro badan oo bayooloji ah oo uu ku andacoonayay in Mareykanka uu ka dhisayo wadamo kala duwan oo ka tirsanaan Midowgii Soofiyeeti, wuxuuna ku eedeeyay Mareykanka inuu carqaladeynayo baaritaannada asalka ah ee cudurka 'Covid-19'.
Ma jiro taliye ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Ruushka oo waligiis saxaafadda ula hadlay sidiisa oo kale.
Sida laga soo xigtay warbaahinta, Igor Krylov ayaa qorsheynayay inuu qabto shir jaraa'id oo kale maalintii la dilay.
Masiirka Putin ee masiibadan

Xigashada Sawirka, Reuters
Xaqiiqda ah in ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan sirdoonka Ukraine ay qirteen ku lug lahaanshaha weerarka ka dhacay bartamaha caasimadda Ruushka, waxay muujineysaa kalsoonida ay ku qabaan in wakiiladoodu ay ku guuleysteen inay helaan waddooyin badbaado leh.
Laamaha sirdoonku badanaa way gaabsadaan inay ku heshiiyaan ka qayb qaadashada hawlgallada si ay uga fogaadaan kordhinta khatarta wakiiladooda.
Dilka Jeneraalka ayaa dhacay maalin kadib kulan ay yeesheen wasaaradda gaashaandhigga Ruushka oo ay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo wasiirka gaashaandhigga Andrei Belousov uga hadleen dardar gelinta talaabadii ciidamada Ruushka ee guusha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Ukraine.
Dhacdadan ayaa sidoo kale dhacday maalin ka hor baahinta "khadka tooska ah" ee madaxweyne Putin sanadlaha ah oo la filayo inuu u xaqiijiyo muwaadiniinta Ruushka in arrimuhu si wanaagsan u socdaan iyo in cunaqabataynta reer galbeedka ay ka caawin doonto waddanku inuu hore u socdo.
Stupak, oo ah sarkaal hore oo sirdoon ah, ayaa sheegay in dilka uusan saameyn doonin jihada dagaalka ee jiidda hore ee u dhow Pokrovsk, halkaas oo ciidamada Ruushku ay sii wadaan weerarkooda - laakiin waxay ka dhigi doonaan hadalka Putin mid aan awood u lahayn muwaadiniinta Ruushka oo keeni kara aargoosi.
"Tani waa dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaarta Ruushka, waxaan u maleynayaa in saraakiisha laamaha amniga Ruushku aysan seexan doonin caawa, iyagoo si joogta ah u weydiinaya madaxdooda: Sidee wax sidan oo kale ah uga dhici karaan Moscow?"










